Adeegihii xoogga furnaa maxaa u xal ah?

C/raxmaan C/shakuur oo ka walaacsan mustaqbalkiisa kadib markii imaaraadku ka jareen lacag ay siin jireen.

Ina C/shakuur Warsame ayey dadka Soomaaliyeed barteen isaga oo taageero u ah isbaheysigii la oran jiray dib-u-xoreynta Soomaaliya ee lagu dhisay magaalada Casmara ee caasimadda Eritrea, Xilligaas waxa fursadda uu ku helay markii Banaanbaxyo ka abaabulay London.

Cabdi-Shakuur ayaa markii ugu horrreysay kasoo dhexmuuqday Golihii wasiirrada ee Xukuumaddii Cumar C/rashiid Xilligii dowladdii KMG ee Shariif Sh Axmed Madaxweynaha ka ahaa markaas oo uu noqday wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga.

Maqaalkan kuma saabsan sooyaalka siyaasigaasi fashilmay laakin waxa uu si kooban u dul istaagi doonaa waayahiisa waqtiga dhow.

Muddo kooban oo uu xilka wasiirnimo hayey mudane Cabdi-Shakuur waxa uu galay khiyaanooyin qaran kadib markii isaga iyo ra’iisul wasaarihiisii ay iska kaashadeen bixinta hanta-qaran oo maguurto ah.

100,000 KM oo labo jibaaran oo ka mid ah badda Soomaaliya ayuu C/raxman C/shakuur hormuud u ahaa in Kenya loo gacan galiyo taas oo soo afjartay in markale uu nidaamka Dowlanimada kasoo dhexmuuqdo ilaa iyo hadda.

labo mar ayuu isu soo sharaxay Xilka Madaxweyne ee dalka waxa uuna la kulmay waji-gabax iyada oo ay u caddaatay in uusan heysan fursad uu dalka hoggaankiisa uga qeybgali karo laakiin waxa uu istusay in ay u furan tahay in uu ku sii shaqaysto dulaalnimadii uu miiska kusoo koray.

Gacan haatintii Imaaraadka.

C/raxmaan ayaa ka mid noqday xubno Danley ah oo u madax raariciyey Abu Dhabi oo dooneysay cid u fulisa dano gaar ah oo ay wadanka ka lahayd, Maalgellintii ugu horeysay ayey Cabdi iyo Saaxiibadiis u samaysay doorashadii 2017 dalka ka dhacday laakiin natiijadu kama farxin.

Intaas kadib waxaa soo shaac baxay khilaafkii dowladaha gacanka, taas oo sababtay in Soomaaliya iyo isu-tagga imaaraadka carabtu ku kala aragti duwanaadaan qaabka ay wax usocdeen, Amiirka iyo xertiisa ayaa intaas kadib bilaabay in ay dib usoo nooleeyaan xiriirkii ay la lahaayeen Koox danley ah.

Wasiirkii hore ee qorsheynta ayay imaaraadku siiyeen lacag dhan $500,000 (shan boqol oo kun oo doolar) ama haddii aan si kale aan u dhigo ‘Nus milyuun’ si uu u qabto xaflado, shirar iyo dibadbaxyo dowladda looga soo horjeedo, C/raxmaan ayaana Muqdisho ka sameeyey isu imaatinno aan wax saameyn ah yeelan.

Haddii aad aqrisay maqaalkii kan ka horeeyey ee aan idinla wadaagay waxaan ciwaan uga dhigay “Safarka Imaaraadka: Socdaalkii dhimashada Danleyda” warkaas ayaana soo baxay markii Madaxweyne Farmaajo uu booqasho rasmi ah ku tagay Abu Dhabi.

Imaaraadka ayaa Labo maalin kahor Danleey uu horey ugu soo shaqeysatay oo uu C/raxmaan C/shakuur ka mid yahay waxa uu si toos ah ugu wargaliyey in uu joojiyey xiriirkii kala dhexeeyey.

Arrintaas ayaa calwisay xaalka Oday Cabdi-Shakuur oo sandareertii horana ku bixiyey qaab uu saluug uga jiray, waxaa intaas uga sii daran in afar maalin kahor uu mid ka mid ah Hoteellada Muqdisho u shubay qarashkii gacantiisa uga haray dakhligii damiir-iibsiga ahaa ee Imaaraatka si koox danleey ah loogu casuumo.

Walaaca ku saabsan Mustaqbalkiisa.

Adeegahan Xoogga furan waxaa ku adkaatay in uu kusoo laabto siyaasadda dalka, si walba ayuu ugu xusulduubtay malabsiga boolida qaranka oo xittaa Madaxweyne ayuu isu sharaxay, howl uu UN-ka u hayay waa uu Awoodi waayey in uu sii wado, mashruucii ugu dambeeyey farihiisa wuu ka baxay, dhaqaale kama keydsan sandareertii, sidaas darteed waxa uu taaganyahay talo-xumoy I taagdarreysay.

Dhaqankii Adeegaha ee dullaalnimada inuu wiiqo rajada umadda waxaa ‘Riyo-maalmeed’ u bedelay siyaasadda dhaxalgalka ah ee mudanayaasha shukaanta u heysa talada wadanka ee Farmaajo iyo Kheyre.

Adeege Cabdi oo u cimaamatay caadeysiga kicinta bulshada ayaa walaaciisa laga dheehan karaa bogga uu barta Faceboo ku leeyahay ee uu ku soo qoro hadallo xanaf leh oo ujeedkoodu yahay in dib loogu noqdo dagaalladii Umulo-dooxa ahaa.

Maxaa la Gudboon?!!!!

Qoraa ahaan marka aan jalleeco dhaqanka Cabdi-Shakuur iyo saaxiibadii waxaa igu soo dhacda xikmadda leh –‘Nin Dharbaaxo Quureed Dugsaday Dhaqayadeed Maalye!!!”

Adeege idmane waxa uu hadda marayaa xaalad hubaal la’aan halbeegga aayihiisa ah, bacdamaa waagu ku baryay isagoo dheygagsan ayuu ku sugan yahay labo-daraale:-

1.Waa inuu ku sii jiro xaaladda ‘Ha dhiman hana noolaan ah’ ee u adeegidda danaha shaqsiga iyadoo la duudsanayo xaqa umadda.

Iyo inuu ka ruqseysto masraxa siyaasadda ee hogaaminta bulshada taasi bedelkeedana uu ku koobnaado inuu si xalaal-quudasho ah u dhacsado nolol-maalmeedka qoyskiisa.

W/Q: Mohamed Qarandoon

Email: aragtidasan@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid