Ahlu-Sunna oo arrin yaab leh xilka uga qaaday madaxweyne ku-xigeenka

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maamulka Ahlusuna uu xilka ka qaaday Madaxweyne ku-xigeenka maamulka.

Xil ka qaadista Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxaa ku dhaqaaqay Madaxweynaha Maamuka Sheekh Maxamed Shaakir.

Warar hoose ayaa sheegaya in xil ka qaadista Madaxweyne ku-xigeenku ay tahay mid laga damacsan yahay ujeedo fog, waxaana la sheegay in mas’uulkaasi loo magacaabi doono Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Ahlusunna ee dhawaan la sameyn doono.

Maamulka Ahlusunna ayaa wada qaban qaabo ay ku dooraneyso Baarlamaan uu yeesho maamulkaas.

Maamulka kama uusan haddal xil ka qaadista, waxaana dhawaan lagu wadaa in Ahlusunna ay yeelan doonto Golo Wasiiro iyo mid Baarlamaan.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com