Akhriso Beesha uu kasoo jeedo Xildhibaan lagu dilay Muqdisho & ilaalada Xildhibaan kale oo dilka ka danbeeyay

Muqdisho (Caasimadda Online) – War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug lagu dilay magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed oo ka tirsanaa Baarlamaanka Galmudug, waxayna wararkii ugu horeeyay sheegayaan in dilka xildhibaanka ay geysteen ilaalada Xildhibaan kale oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Markii uu falka dilka dhacay ayaa xildhibaanka la dilay la sheegay inuu marayey agagaarka isgoyska Sayidka, waxaana Gaarigiisa oo aad ugu dhowaaday Gaariga kale oo uu lahaa xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka tirsan Golaha shacabka, kaasoo ilaaladiisa srasaas ku fureen Gaariga Marxuumka.

Xildhibaan Maxamed Abdi Guuleed oo ka mid ahaa Baarlamaanka Galmudug ayaa goobta ku geeriyooday.

Xildhibaanka la dilay ayaa wuxuu u dhashay Beesha Duduble, gaar ahaan Maqalsame

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com