Akhriso: Galmudug oo dab kusii shiday go,aanka dowladda ee khaliijka markii ay soo saartay go,aan lama filaan ah

Cadaado (Caasimada Online) – War Saxaafadeed ku qornaa Luuqa English-ka oo ka soo baxay Maamulka Galmudug, ayaa lagu muujiyay taageerada maamulla ee ku aadan go’aankii Dowladda Sacuudiga iyo qaar ka mid ah Dowladaha Khaliijka ay xayiraada ku saareen Dowladda Qatar.

Warka ka soo baxay Galmudug, ayaa lagu sheegay go’aankii Dowladda Somaliya ay qaadatay 6-dii Bishii June ee ay ku muujisay Dowladda inay dhex dhexaad ka tahay khilaafka khaliijka inuusan aheyn mid ku yimid wadatashi lala sameeyay Maamul Goboledyada dalka ka jira.

Galmudig ayaa sheegtay in Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay yihiin dalal xiriir wanaagsan oo soo jireen la leh Somaliya, ayna taageerayaan mowqifka ay qaateen.

“Dowladda Galmudug waxa ay cadeynaysaa inay garab taagan tahay go’aankii ay qaateen Dowlada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ee ku aadan Dowladda Qatar.” Ayaa lagu yiri Warka.

Horay waxaa go’aanka Dowladda Sacuudiga u taageeray Maamulada kala ah Hirshabelle, Puntland,  Koonfur Galbeed iyo Galmudig oo hadda ku soo biiray Maamulada taageeray go’aankii Dowladaha Khaliijka.

Go’aankaan ka soo baxay Maamulka Galmudug, ayaa culeys hor leh wuxuu ku noqonayaa Dowladda Federalka Somaliya, maadaama Dowladda ay horay u qaadatay go’an dhexdhexaad ah.

Halkaase hoose ka akhriso waraaqdaa kasoo baxday Galmudug