Magaca iyo beesha sarkaalkii xabsiga la dhigay ee ilaaladiisa rasaasta ku fureen ciidamada amniga Muqdisho

Muqdisho (caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga u taxaabtay sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda kaasoo ilaaladiisa ay rasaas ku fureyn ciidamada Amniga Muqdisho ee maalmahaan howlgalka wado.

Sarkaalkaan oo maamulo qeyb ka mid ah xaafadda Seybiyaano Ee Magaalada Muqdisho ayaa xabsiga Jilicow loo taxaabay kadib markii ay ilaaladiisa isku dayeen inay hor istaagaan ciidamada isku dhafka ah ee loogu talagalay inay sugaan amniga Muqdisho isla markaasna ay hub ka dhigis sameeyaan.

Ciidamada Amniga Muqdisho ayaa Xalay howgal hub ka dhigis ah ka sameeyey Xaafadda Seybiyaano gaar ahaan suuqa Caanaha waxaana rasaas kusoo furay Ciidamada Sarkaalka Mahad Dollar ee aagaas heysto tan iyo dowladdii Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Mahad Dollar ayaa kasoo jeedo Beesha Habargidir, gaar ahaan Beesha Sacad, wuxuuna xoogaa ciidamo ah ku leeyahay Xaafadda Seybiyaano ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna inta badan dhibaato u geystaa shacabka Masaakiinta ah ee dagan Xaafadaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday howgal ay ugu magac dartay amniga Muqdisho kaasoo loo sameeyey ciidamo gaar ah oo isku dhaf ah, waxayna sameeyeen howgalo kala duwan tan iyo markii uu bilowday howlgalkaan.

Wixii warar ah ee kusoo kordha arrintan sarkaalkaan la xiray waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.