Akhriso qodobadii ka soo baxay kulankii xildhibaanada ee maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa si wadajir u shir Guddoominayay Guddoomiyeyaasha KMG ah ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Fadhiga Baarlamaanka ayaa looga hadlayay qodobo ay ka mid yihiin kharashaadka laga qaadayo Musharaaxinta u taagan qabshada xilika Madaxtinimo iyo Guddoonka Baarlamaanka iyo ku-xigeenadiisa.

Fadhiga inta uu socday ayaa waxaa lagu dhaariyay in ka badan 12 Xildhibaan oo la sheegay inay kamid noqon doonaan labada Aqal.

Xildhibaanada ayaa Fadhigooda dood dheer kadib ku ansixiyay qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin:

1-In Musharax waliba oo doonaaya inuu ka qeybqaato Doorashada dalka laga qaado $30,000.

2-In Musharaxiinta dooneysa qabashada Guddoomiyaha labada Aqal laga qaado $15,000.

3-In Musharaxiinta u tartameysa Ku-xigeenada laga qaadayo $10,000.

4-In Xildhibaan waliba oo ka tirsan Labada Aqal uu awood u leeyahay inuu saxiixi karo ugu yaraan 3 musharax Madaxweyne.

5-In xiliga ay dhaceyso doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ay ku dhawaaqi karaan keliya Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoonka Baarlamaanka.

6-Guddiga doorashooyinka Guddoonka Aqalka Sare ayaa isku raacay in lagu dhiso Fadhi uu yeelan doono Aqalka Sare ee Baarlamaanka Marka la soo dhameystiro doorashada Xubnaha dhiman ee Aqalka Sare ee w/Galbeed.

Dhinaca kale, Xildhibaanadii soo xaadiray fadhiga ayaa dib u celshay Miisaaniyada Saddex bilood ee Janaayo, Fabraayo iyo Maarso ay soo Gudbisay Wasaarada Maaliyada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com