Baaritaan: Wasiir Juxa ma waxaa kasoo horjeeda ku xigeenadiisa mise Kheyre?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa, ayaa shalay xilka ka qaaday xoghayihii joogtada ahaa ee wasaaradda arrimaha gudaha Yaxye Cali Ibraahim, oo muddo xilkaas hayey.

Hase yeeshee xil ka qaadistaasi ayaa isku beddeshay xiisad siyaasadeed kadib markii Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha C/llaahi Faarax Wehliye uu sharci darro ku sheegay.

Waxaa sidoo kale ku mowqif noqday Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Sheekh Maxamed Nuur oo isna qalad ku sheegay tallaabada Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa isagoo ku tilmaamay inay tahay mid sharci darro ah oo aan waafaqsaneyn dastuurka.

Dad badan ayay ka yaabisay wasiir ku xigeen iyo wasiiru dowle ka hor-imanaya amarka wasiirkii ka sarreeyey, hase yeeshee baaritaan ay Caasimada Online sameysay ayaan ku ogaanay in wasiir ku xigeenka iyo wasiiru dowlaha aysan ka hadleyn maskaxdooda, balse la adeegsanayo.

Ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ayaa Caasimada Online u sheegay in ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu amray labadoodaba inay qoraan warqado ay kaga soo horjeedaan wasiirka.

Kheyre ayaa la sheegay inuu sidan u sameeyey, si aysan ugu ekaan inuu wasiirka arrimaha gudaha kusoo faro-gelinayo shaqadiisa iyo wasaaraddiisa, haddii isaga uu warqad qoro.

Qorshaha ayaa ahaa in arrinta loo ekeysiiyo muran ka dhex oogan wasiirka iyo ku xigeenada, kadibna ra’iisul wasaaraha uu soo faro-geliyo, oo arrintan si xal ah lagu dhameeyo, xoghayaha joogtadana uu xilkiisa sii hayo.

Xoghayaha joogtada Yaxye Cali Ibraahim, ayaa kasoo jeeda beesha Murusade ee ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com