Beelaha Daarood oo gogol u dhigay dowladaha Khaliijka iyo Boqor Burhaan oo Bayaan yaab leh soo saaray

Muqdisho (Caasimadda Online) – Beesha Daarood oo kamid ah Beelaha Soomaaliyeed ayaa hadal weyn soo saartay maanta kadib markii ay sheegtay inay gogol nabadeed u fidisay dowladaha Khaliijka ee dagaalka siyaasadeed ka dhaxeeyo.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ah Boqorka Beelaha Daarood ayaa ka dhawaajiyey inuu aad uga xumaaday xurgufta siyaasadeed ee soo kala dhex gashay dowladaha Khaliijka, wuxuuna tilmaamay inay midaas keeni rabto dhibaato ka dhex dhacdo Muslimiinta.

Boqorka ayaa sheegay in Beelaha Darood ay dhigeyn gogol ay ku heshiisiinayaan dowladaha Khaliijka, wuxuuna ugu baaqay in si deg deg ah miiska wadahadalka loo fadhiisto si loo soo afjaro Khilaafka dowladaha Khaliijka ee gaaray meesha ugu sareyso.

Hadalkaan ayuu Boqorka ku sheegay bayaan uu soo saaray, wuxuuna tilmaamay in beelaha Daarood ay diyaar u yihiin inay gogoshaan u dhigaan Carabta, isagoo ku faanay in Beelaha Darood ay kasoo jeedaan Carabta gaar ahaan qabiilka Mahra ee dalka Yeman..

Sidoo kale Boqorka ayaa dowladda Ereteriya ugu baaqay inay si deg deg ah ciidamadeeda ugala baxdo xuduudda lagu muransan yahay ee u dhaxeyso iyada iyo Jabuuti taasoo ay dhawaan ka baxeyn ciidamadii ka socdo dalka Qatar.

Ugu dambeyntii ilaa hadda ma jiro hoggaamiye dhaqameed qaaday tallaabada uu Boqorkaan qaaday ee uu ku doonayo inuu xal siyaasadeed kala dhex dhigo dowladaha Sacuudiga ay horkaceyso iyo dalka Qatar, waxaana laga war sugayaa jawaabta ay dowladahaas ka bixiyaan.

Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ayaa go’doomin dhinac kasta ah saaray dalka Qatar, waxaana dowladda Qatar la saftay dowlado waaweyn oo islaam ah oo ay ugu horeeyaan Turkiga iyo Iiraan.