Beesha caalamka oo Turkey iyo Somalia u xagagelineysa

Somalia dawladihii deriska la ahaa ee horteed burburay, isla markaana kasoo kabsaday burburkoodii waxa ka mid ahaa Tanzania, Uganda iyo Ethiopia.

Dawladahaas midoodna beel caalam umasoo gurman, dastuurana umay samayn, doorashooyin demoqradiyana umay qaban, kooto dumarna umay yeerin, ciidamo ajnabi ahna umay keenin, xagjirna kamay dillaacin, khayraadkoodana kama boobin.

Maxay tahay tolow sababta intaasoo dhan aan loogu samayn deriskeena, inagana la inoogu sandulleeyay?

Beesha caalamku ma saddexdaas dal oo dadkoodu gaalada u badan yahay ayay innagoo 100% muslina inaka jeceshahay?

Ma dawooyinka beesha caalamku innaga inoo qortay ayay dalalkaasi iska diideen innana dugaalsanay?

Mise wuxuba dawo maahee wa cudur, innagaana dad jira ahayn oo goljileec kuwaas laga waayay la inaka helay?

Si kastaba, maanta waxan maraynaa heer dawladii qur ahayd ee si dhaba oo dareen walaalnimo leh, daniba ha u wehelisee, inoogu soo gurmatay in isbaaro loo dhigtay. Iyadoo lagu cadaadinayo inay kaalmadeeda tooska ah ka joojiso Somalia. Wixii ay u qoondeeysana hada kadib ay soo mariso beesha caalamka.

Arrintaasi waxay iftiimisay inaan waxqabadka muuqda oo Tturkey-gu Somalia ka wado aysan beesha caalamku raalli ka ahayn. Waayo waxa durba soo shaac baxay oo soomaalidii ku baraarugtay reerka kii olol ku shidayey iyo kan dugsi u oodaya.

Taasina haday sii socoto waxay soo afjaraysaa wada goodirkii ay inoo laangooyeen beesha caalamku, si aynaan weligeen ugasoo kabsan burburkeena oo ay iyagu sababtiisa awalkiiba lahaayeen.

Madaxiis Allaha raajiyee madaxweynaha Turkey-ga iyo qalinleeyda siyaasadihiisa taageersaniba wax badan ayay ka hadleen

Farqiga u dhexeeya ujeedooyinka Turkey-ga iyo kuwa beesha caalamku Somalia ka kala leeyihiin. Qofkii raba inuu wax badan ka ogaadana ha sii akhriyo faallooyinka mediaha Turkey-ga iyo kuweenuba ka qoray arrintaas sida:

https://www.dailysabah.com/op-ed/2017/11/07/turkey-as-somalias-first-responders

https://www.dailysabah.com/columns/beril-dedeoglu/2017/10/03/what-does-turkeys-new-base-in-somalia-signify

http://www.caasimada.net/turkiga-oo-diiday-dalab-kaga-yimid-dalalka-deeq-bixiyayaasha-somalia/

W/Q: Saxardiid Kilwe