Ciidamada Ethiopia oo fal aad u fool xun ka geystay magaalada Baydhabo

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, ayaa sheegaya in ciidamada dowlada Ethiopia ee ku sugan duleedka magaaladasi ay kufsadeen Haweeney da’ ah.

Ciidamada ayaa la sheegay in Haweeneyda ay kala baxeen Hooygeeda isla markaana ay kula kaceen Kufsi saf mareen ah.

Haweeneyda ay Kufsadeen ciidamada ayaa la sheegay in da’ deeda ay tahay 48 Jir oo reer Mii aheyd.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada ay awood ku kaxeysteen Haweeneyda isla markaana falka kadib ka dhaqaajiyay iyadoo garaab ah.

Ciidamada Ethiopia ayaa falkaani ka geystay deegaanka Gasar ee Duleedka Magaalada Baydhabo sida uu sheegay Maxamed Cali Nuur Aadan oo ah Adeerka Haweeneyda la kufsaday.

Sidoo kale, Haweeneydani ayaa dhashay 7 Carruur ah kuwaa oo ay ku jiraan rag carruur dhalay oo xaasas leh.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaan ka hadal falka foosha xun oo ciidamada Ethiopia ay u geysanayaan dadka deegaanka.

Ma aha falkii ugu horeeyay oo ciidamada Ethiopia ay kula kacaan Haweenka, waxaana horay u jiray faraxumeyn ay u geysteen Hooyo iyo laba Gabar oo ay dhashay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com