Daawo Sawirada: Sida habsamida leh oo Xarunta Golaha Shacabka ay uga socto Doorashada

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa Xarunta Golaha Shacabka Baarlamaanka Somalia ka socda Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia.

Xarunta ayaa waxaa ku sugan dhammaan Xildhibaanada iyo Musharaxiinta, waxaana si habsami leh codeynta u wada Xildhibaanada.

Cismaan Cilmi Boqore iyo C/raxmaan Ducaale Bayleh, ayaa noqday Xildhibaanada ugu horeeyay ee bilaabay codeynta.

Doorashada ayaa socon doonta ilaa Saddex wareeg, haddii wareegga koowaad uu hal musharax helo codad dhan 139 waxa uu si toos ah u noqonaya guddoomiyaha Baarlamaanka.