Deg deg: Trump oo Qaramada Midoobay horteeda ka sheegay inuu Burburin doono Kuuriyada Woqooyi

New York (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Mareykanka Trump oo wax yar ka hor ka khudbad xasaasi ah ka hor jeediyey shirka Qaramada Midoobay ee ka furmay New York ayaa halkaas kaga dhawaaqay hanjabaad culus.

Madaxweyne Trump ayaa hanjabaad hawada ugu diray Kuuriyada Waqooyi iyo dalka Iran

” Mareykanka wuu burburin doonaa Kuuriyada Waqooyi haddii lagu kasbo inay is difaacdo” ayuu si carro leh uga hor yiri Trump shirka Qaramada Midoobay ee maanta ka furmay Mareykanka.

Wuxuu sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay ka shaqeeneyso inuu daah furmo dagaaalka Nukliyeerka, balse uu Mareykanka diyaar u yahay inuu burburiyo Kuuriyada Waqooyi burburin dhameystiran sida uu hadalka u sheegay.

Trump ayaa hadalkaan ka sheegay khudbadii ugu horeysay oo uu ka jeedo shirka Qaramada Midoobay oo maanta ka furmay New York.

Sidoo kale wuxuu u hanjabay Iiran, isagoo sheegay in go’aankii ugu qaldanaa uu mareykanka qaatay ahaa heshiiskii Iiraan loogu ogolaaday inay sameysato hubka Nukliyeerka.