DFS oo diiday wada-hadalladii S/land, kuna xirtay hal shardi oo aad u adag

London (Caasimada Online) – Dawladda Soomaaliya ayaa u bandhigtay daneeyayaasha dhex dhexaadinaayey wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya in aanay soo fadhiisan doonin miiska wada hadalo danbe oo ay Somaliland la gallaan, ilaa ay Somaliland ka tanaasulayso qodobka qaddiyadda madax banaanida Somaliland.

Waraaq uu wasiiru dawlaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dawladda Soomaaliya Maxamed Nuur Gacal uu u kala diray dawladaha Turkiga, Ingiriiska, Norway iyo Midawga Yurub ayaa wuxuu ku sheegay inaanay dawladiisu diyaar u ahayn inay miis la soo fadhiisato Somaliland ilaa inta Somaliland ka laabanayso ama ka noqonayso qodobka madax banaanida Somaliland, isagoo qoraalka warqadaasina ku sababeeyey in dastuurka u yaalla Soomaaliya ee dawladda uu ka tirsanyahay ku shaqayso aanu u fasaxayn inay arrinta kala hadasho Somaliland

“Qodobka 1-aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu si cad u dhigaya inaan laga doodi karin, laga hadli karin, gorgortana la gelin karin madax banaanida, xuduuudaha iyo qaranimada Soomaaliya, marka dastuur ahaan dawladdayadu awood uma laha aanu arrimaha kala hadalo Somaliland, iyadoo dastuurkayagu aanu noo fasaxayn ama noo jidaynaynin” ayuu Mr. Gacal ku yidhi qoraalkaasi oo nuqul ka mid ah nala tusay.

Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda Soomaaliya oo laftigiisu usbuucii hore ku sugna magaalada London ayaa wuxuu kulano la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Britain u qaabilsan arrimaha Afrika Mark Simmond oo uu u sheegay inaanay wada hadaladaasi sii wadi karin, ilaa ayuu ku yidhi wada hadalka ay Somaliland siyaasiyiintoodu ajandaha doonayaan inay ku soo daraan arrinta madax banaanida.

Waxaa usbuucii labaad magaalada London ku sugan laba wasiir oo ka tirsan xukuumada madaxweyne Siilaanyo oo kala ah wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo ganacsiga iyo maalgashiga Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, kuwaasi oo wada hadalo baaxadleh kula yeeshay magaalada London masuuliyiin ay ka mid yahiin wasiiradda arrimaha dibada ee dalka Ingiriiska, safiiradda dalalka Norway, Denmark, Maraykanka iyo Sweden ee dalkani

Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa jawaab kulul ka bixiyey waraaqda dawladda Soomaaliya ku diiday inay wada hadalka bisha January loo ballansana ka soo qayb gashay, isagoo Mr. Biixi waraaqda uu dalalka daneeya dhex dhexaadinta Somaliland iyo Soomaaliya u diray ku sheegay in dawladda Somalia ay tahay qayral masuul aanay ku qabin kalsooni danbe, isagoo ka codsaday inay dalalkaasi soo fara geliyaan arrinta sida heshiisyadii lagu gaadhay London, Dubai iyo Istanbul ay dhigayeen

Mr. Biixi wuxuu sheegay in aanay dawladiisu dul qaad danbe u yeelan doonin mar marsiiyaha ka imanaya Muqdisho, wuxuuna sheegay inay ka si rasmi ah uga bixi doonaan wada hadalka, taasina ay dhaawici doonto horumarkii hore looga sameeyey wada hadaladii labada dhinac hore u gaadheen, oo qodobada ay labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya ku heshiiyeen imikana laga wada shaqeeyo ay ka mid tahay la dagaalanka budhcad badeeda iyo argagixisada.

Mr. Biixi wasiirka arrimaha dibada Somaliland wuxuu sidoo kale ka codsaday dawladda ingiriisku inay si dhab ah usoo dhex gasho arrinta dhex dhexaadinta Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana ay u fidiso khubaro dhinaca sharciga qaabilsan si loo furdaamiyo arrintani khilaafka keenay, isagoo sidoo kalana ka codsaday dawladda ingiriisku inay London usoo wareejiso wada hadalada, Mr. Biixi ayaa qoraalkiisa kaga cawday dawladda Turkiga oo uu sheegay inay ka caga jiidaysay inay si dhab ah u dhex dhexaadiso Somaliland iyo Soomaaliya

Wada hadalada labada dhinac ayaa loo balansana bishii September ee sannadkani, waxaana sida xukuumadda Siilaanyo laga soo xigtay ay wada hadaladaasi dib ugu dhaceen bishii October, haddana Bishii November, haddana Bishani December, iyadoo ugu danbayntiina wasiirka arrimaha dibaddu warbaahinta u sheegay in wada hadalka dib loogu dhigay bisha January, ma cadda in wada hadaladaasi ay dhici doonaan iyadoo murankani taaganyahay.

Caasimada Online

Xafiiska London

Caasimada@live.com