Dhageyso: Gaas oo ka hadlay xiisadda khaliijka, arrin cusubna shaaca ka qaaday

Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa shalay ku dhawaaqay inay la safteen dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta oo ay xiisad kala dhaxeyso dalka Qadar ee ay deriska yihiin.

Inkasta oo Puntland aysan ahayn dal madax banaan, oo sharciyan la macaamili kara dalal kale, ayaa haddana maamulka waxa uu dhinac maray dowladda federaalka, kuna adkeystay in tallabaada ay qaadeen ay tahay mid dani ugu jirto.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in danaha istaraatijyadeed ee Puntland kala dhaxeeyay Sacuudiga iyo Emiraatka uu ku qasbay in maamulkiisu uu la safto dalalkaasi.

Gaas, oo wareysi siiyey VOA, ayaa dowladda Somalia ugu baaqay inay ka noqoto go’aanka dhex-dhexaadnimada ah ee ay ka qaadatay xiisadda ka taagan Khaliijka.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in Puntland ay dowladda dhexe uga danbeyso go’aamada arrimaha dibedda ee ay xaq u leedahay, balse wuxuu sheegay in dastuurku uu dhigayo in arrimaha qaarkood laga wada tashado.

Hoos ka dhageyso wareysiga Gaas

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com