Dhaqaatiir isa soo xilqaantay oo u dhalatay Talyaaniga oo Muqdisho yimid

Muqdisho (Caasimada Online) – Koox dhaqaatiir ah oo u dhalatay dalka Talyaaniga oo sida dawooyin ayaa yimid magaalada Muqdisho si ay uga qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dadka ku dhaawacmay qaraxii 14 October ka dhacay Isgooyska 14 October (Ex Soobe) ee magaalada Muqdisho.

Dhaqaatiirta oo lagu kala magacaabaa, Gianluca Frinchillicci, Francesco Saverio Giavognoli iyo Claudio Taberretti ayaa waxaa, socdaalkooda Muqdisho ku wehliyey Eng Xuseen Abuukar Xuseen oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed oo ka shaqeeyey imaanshaha kooxdaaan dhaqaatiirta ajnabiga . Sidoo kale Saalax Garaad Cumar oo ka tirsan masuuliyinta hey’ada Sahan ayaa ka mid ah masuuliyiinta ka shaqeeysay inay Dhaqaatiirtan Ajnabiga ah oo sida dawooyinka yimaadaan Muqdisho

Shador Haji Mohamud oo ka mid ah masuuliyin gacan ka geysatay imaanshaha tallaabadaan dhaqaatiirta u dhalatay Talyaaniga ay ugu soo gurmadeen dadka dhaawaca ah ayaa sheegay in dhaqaatiirtan ay yihiin kuwa u soo damqaday dadka Somaaliyeed ee ay dhibaatada ka soo gaartay qaraxii 14 October.

” Waa dhaqaatiiro qabiiro ku ah qaaliinka iyo daweynta, saaka ayey soo gaareen Muqdisho islamarkiina waxay howllo qaliino ah ka bilaabeen Isbitaalada Madiina oo ay ku jiraan qaar ka mid ah dadka dhawaaca ah, maanta oo idil ayey ku howllanaayeen qaliinka , sidoo kale dawooyin tayadeedo sareeyso ayey u qeybinayaan Isbitaalada Muqdisho” ayuu yiri Shador Haji.

Waa tallaabadii labaad oo ay dhaqaatiir ajaanib ah oo mutadawaciin ah oo wada gargaar daawooyin ah ay Muqdisho u yimaadaan daweeynta dadkii ku dhawaacmay qaraxii 14 October ka dhacay Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com