Dhismaha xukuumadda: Maxaa qurbo-joogta looga fadilaa dal-joogta?

Bal hadda eega dhismaha xukuumadaha Somalia iyo Somaliland. Bal fiiriya nooca dadka ay u badanyihiin.

Markasta oo la dhisayo xukuumad cusub ama la maqlo isku-shaandhayn ayaa soo dhow waxaa dalka iska soo buuxiya qurbo-joogta. Xukuumad kasta oo la dhiso iyaga ayaa laga buuxiyaa oo lama qiimeeyo dal-joogta aqoonta leh oo aan ka tegin dalka oo dhibta la qaybsada ummadda, oo maalinkasta u ordaya nabadda, dhismaha, iyo horumarinta dalka, xog-ogaalna u ah dhibaatada dalka ka taagan.

Nin dalka ka cararay 20-30 ka hor oo fadhiyay daar qaboob, cunayay cunto diyaar ah, cabbayay casiir qabow, daawanayay Tiifiiga oo aan goob-joog u ahayn qaxa, gaajada ama dhibaatada dadka iyo dalka, oo aan xog-ogaal u ahayn nolosha adag ee dadka, oo maalin aan lugayn, oo maalin aan gaajon ayaa laga fadilaa kumanaan dal-joogta ah oo sidooda aqoonyahanno ah oo damiirkoodu u diiday inay ka cararaan dhibaatada dadka iyo dalka. Miyaanay arintaas la mid ahayn awr laga rarayo caloosha.

Madaxweynuhu marka uu dhisayo xukuumad ama uu magacaabo raiisal wasaare qurbo joog ah waxaa la soo dhisaa wasiiro qurbo-joog u badan si dadka dalka joogaa ay yihiin dad wada juhalaa ah, indho la’, dhego la’ oo aan waxay qaribaan mooyee aan waxba hagaajinkarayn una baahan in la hago. Marka ay wasiiradda qurbo-joogto hadlayaan waxaad moodaa inay dadka ka wadanisanyihiin oo iyagu oo qudha wax hagaajinkaraan. Dhaliilaha ma qaataan, khaldkoodana ma saxaan waayo waxay isku haystaan inay ka indho-dheeryihiin dal-joogta ka taqaan dhibaatada dalka ka taagan iyo sidii loo xallin lahaa.

Ka daranee, maalinta uu qurba-joogu waayo wasiirka waxaa uu u cararaa dalkii u degaan halkii uu dalka iyo dadka u abaal-gudilahaa oo u adeegilahaa, dhibaatada ula qaybsan lahaa, waxna ka dhislahaa dalka. In badan oo iyaga ka mid ah intay jeebka buuxsadaan ayay ka duulaan dalka.

Waxaa habboon in wasiiradda 75% noqdaan dal-joogta, 25% ay noqdaan qurbo-joogta si cadaaladda loogu dhawaado khilaafkana loo yareeyo.

W/Q: Ibrahim Hassan Gagale