Dibadbax lagu tageerayo go’aankii Xaaf oo ka dhacay Cadaado iyo warar sheegayo in xabsi guri la geliyey Carabeey

Cadaado (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ku sugan Imaaraadka Carabta ayaa ka dhawaajiyey inuu xiriirka u jaray dowladda Qatar isla markaasna uu maamulkiisa taageersan yahay Xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Go’aankaas waxaa  si weyn uga hor imaaday Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Carabey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Casir.

Haddaa Shacab badan ayaa maanta waxay dibadbax ay ku taageerayaan go’aankii uu madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf uu ka qaatay xiisaddii Khaliijka waxay ka dhigeen degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Dadkaan ayaa watey boorar waaweyn oo ay ku qoran yihiin erayo iyo hal ku dhigyo ay ku muujinayaan sidey ku taageersan yihiin madaxweyne Xaaf.

Waxay sheegeen  dadkaan in go’aankii Galmudug ee xiisadda Khaliijka, gaar ahaan midka uu gaaray madaxweynaha yahay mid uu ku saxan yahay, uuna ogyahay madaxweynaha waxa u dan ah Galmudug, waa sidey hadalka u dhigeen.

Madaxda Galmudug ayaa ku muransan go’aanka Xiisadda Khaliijka, kadib markii madaxweynaha maamulkaasi la saftay xulufada Sacuudiga, halka ku xigeenkiisa iyo guddoomiyaha baarlamaanka Galmudugna ay sheegeen in arrintaasi dhex dhexaad ka yihiin oo ay uga dambeynayaan dowladda Federaalka.

Xiisadda Galmudug ayaa meel xun gaartay iyadoo wararka qaar oo hadda soo baxayo ay sheegayaan in xabsi guri la geliyey madaxweyne ku xigeenkii Galmudug Carabey sidoo kalana la baajiyey kulan ay Baarlamaanka lahaayeen kadib markii ay xarunta Baarlamaanka la wareegeen ciidamo taabacsan Madaxweyne Xaaf.

Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi laga hor istaagay inuu ka duulo magaalada isagoo ku sii jeeday magaalada Muqdisho oo la sheegay inuu kulamo kula qaadan lahaa madaxda ugu sareyso Dowladad dhexe.