Ehellada dadkii lagu laayey Beled-Xaawo oo arrin kale oo yaab leh lagula kacay

Kismaayo (Caasimada Online) – Ehelada dadkii lagu laayay degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegeen in loo diiday in ay la kulmaan saraakiisha Maxkamadda Ciidamada Jubbaland.

Cabdi Diiriye oo ka mid ah Ehelada dadkii lagu laayay Beled-Xaawo ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Jubbaland ay ka hor istaageen in ay la kulmaan masuuliyiinta Maxkamadda Ciidamada Jubbaland.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa kormeer ku maraya degaanada Jubbaland ay ka taliso, isaga oo ujeedka kormeerkiisa ku sheegay in uu yahay u kuurgalida xaalada Ciidamada maamulada Jubbaland.

Cabdi Diiriye ayaa sheegay markii ay isku dayeen in ay la kulmaan Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada in ay iska hor istaag ku sameeyeen Ciidamada Jubbaland, wuxuuna tilmaamay taasi in aysan aheyn mid xaq ah oo shacabka ay ku heli karaan garsoor sax ah.

“Wa nagala hor istaagay meeshaan ma geli kartaan baa nagula yiri, cidii ay wax ka maqan yihiin iyo cidii aan waxba ka maqneyn, Ciidamada ammaanka ayaa is hor istaag nagu sameeyay, manaqaano waxaan sameyno, dadkeena xaq daro ayaa lagu laayay”. Ayuu yiri Cabdi Diiriye.

Sidoo kale waxa uu sheegay dadka la laayay in xilli habeen ah guryahooda laga soo qabtay, iyaga oo aan waxba la weydiina la iska laayay, muhiimna ay tahay marka qofka tuhun lagu soo qabto in la helo cadeymo sax ah oo muujinaya dambiga qofka uu galay.

25-kii July sanadkan ayay aheyd markii Maxaabiis gaareysa Afar lagala baxay xabsi ay ku jireen oo ku yaalla magaalada Beled-xaawo, kadibna meel fagaare ah lagu toogtay, saraakiisha Jubbaland waxay sheegeen arrintaasi in ay wax ka qaban doonaan, ilaa haddana ma jirto wax ka soo naaso cadaaday.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com