Faallo: Cabdi Weli Gaas oo gadaal-gadaal geed u fuulay…!!

Dad waxaa ugu garaad yar  nin gefsan oo gar isla leh…C/weli Gaas wuxuu dhex fadhiyaa dhiiqo uu afkiisa ku sameystay oo dhaxalsiin doonta guuldarro siyaasadeed kaddib markuu af-buuxa ku qirtay inuu yahay ruux aan siyaasadda u bisleyn oo ay u dheer tahay kibir iyo islaweyni.  Waa ruux ka arradan cilaaqaadka dowliga ee madaxda u haga  habka loo maamulo howlaha dibloomaasiyada. Wuxuu dhex galay arrimo uusan marna fahmi Karin xikmadda ka dambeysa go’aanka ay ka qaadatay dowladda Somaliya iyo mowqifka ay iska taagtay mushakiladda ka jirta wadamada Khaliijka.

Gaas ma yaqaanaa waxa ay isku heystaan dowladahaan. Khilaafka ka dhex jira wadamada Khaliijka waa mid maskaxdiisa ka weyn uusan garan Karin, waxaa kaliya uu gartana waa inuu xoogaa baqshiish ah ka helo, wax kale uu dan ka leeyahyna ma jiraan…kalama jecla midka saxa ah iyo midka khaldan, waayoo marka horeba diyaar uma aha inuu fahmo waxa la isku heysto.  Isagaa afkiisa ka qirtay inuu laaluush qaatay kaddib markuu ka dhawaajiyay shalay QATAR MAXAA LAGA FAAIDAA!!!

 Wuxuu ku dhawaaqay inuu cilaaqaadka u gooyay dowladda Qadar uuna la safan yahay xulufada Sacuudiga & Imaaraatka ay hor boodayaan… markaasuu  weliba eedeynayaa dowladda dhexe mowqifka ay qaadatay oo ah mid dowladaha Afrika oo dhan ay isku raaceen.  Waxyaabaha laga naxo waxaa ka mida isagoo dhahaaya waxaan ilaalinayaa danta gobolkeyga Puntland..bal cajaa’ibtaan arka!!!

Haddaba, nin dharka iska dhigay oo mooda xarrago, qof af-xumada (waqaaxa) mooda aqoon, qof  aaminsan inay dadka oo dhan khaldan yihiin isagana uu sax yahay, qof aragtidiisa ay aad u kooban tahay oo ku darsaday kibir iyo islaweyni  Wuxuu caddeeyay in dowladaha Afrikaanka oo dhan iyo Somaliya ay khaldan yihiin laakin asagu sax yahay mowqifka uu qaatay!!! Taasi waxay markhaati ka tahay inuu xanuunsan yahay, jirrada uu qabana ay tahay XAMAAQA.  Xasuusiya xikmadi ahayd

لكل داء دواء الأ الحما قة oo micanaheedu yahay  jirra kasta daawey leedahay intaan ka ahayn  dabbaalnimo dabbaal daawo ma leh.

Waryaa xasuusiya xikmad kale oo ahayd المتكبر مثل رجل فوق جبل يرى النا س صغا را ويرونه صغيرا.

Oo micnaheedu yahayMUTAKIBIRKU WAA NIN BUUR DHEER SAARAN DADKANA U ARKA WAX YAR-YAR ISAGANA WAXAY U ARKAAN WAX YAR. Gaas dadka oo dhan wuxuu arkaa inay ka hoos yihiin asagana ugu sarreeyo dalka iyo dadka.

Arrinta ugu naxtinta badan waa inuu isu heysto qof meel sare uga jira bulshada waana waxa khatarta nagu ah haddaan Somali nahay!!! Waxaa jirta sheeko aan ku soo qaadanay dugsiga hoose oo ahayd SHINNI AYAA KU ISTAAGTAY DIBI WEYN GEESKIISA MARKAASEY WEYDIISAY DIBIGI “ DEBIYOW CULESKEYGA KA WARRAN Markaasuu weydiiyay “Xageed Joogta”…Cabdiweli waa shinnidaas oo culeyskiisa aan cidina dareemin dalka Qadarna wax xariir ah lama lahayn weligii!!!

Waryaa u sheega in dadweynaha dowladda Qadar tiro ahaan yihiin 350,000 ruux, markaasey ka adkaatay dowlado tiro ahaan AFAR ah oo dadweynaha ku nool ay ka badan yihiin 100 malyan, Sidey ku dhacday? Waxay adeegsadeen arrimo uu ka arradan yahay Gaas oo ah caqli iyo aqoon, waana ruux caqligiisu ku fac yahay wixi afka loo geliyo.  Cabdiweli waa nin aad u aqoon yar Kuna sifoobay xikmadi ahayd  LITTLE KNOWEDGE IS VERY DANGEROUS.  Wixi uu ka helay Imaaraatka waa ku filnaan weyeen…markaasuu soo daabacday lacago SHILIN sOMAALI FAALSO  AH oo ciddi qaadan weysa ee Puntland ku nool la xiro oo xabsiga la dhigo, gobollada dalka oo dhanna lagu faafiuyo.

Makiinada lagu daabaco lacagta asagaa iska leh sida ay cadeeyeen mas’uliinta Punjtland qqaarkood. Madaxweyne Farmaajo wixi dalka ka dhacaaya oo dhan waxba kuma darsado, xumaan iyo wanaag midna, kamana hadlo…yuu ka sugaayaa inay waxyaabaha dalka ka dhacaaya ka hadlaan.

W/Q: Axmad Calasow

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid