Daawo Farmaajo: Nidaamka 4.5 wuxuu simay dadka aqoonta leh iyo kuwa jaahilka ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/lahi Farmaayo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dhibaatooyinka ay Soomaalidu ka dhaxashay qabiilka.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay in qabiilka uu gaaray heerkii ugu xumaa waxa uuna tusaale usoo qaatay in dadka aan waxba aqoon ay meel weliba uga horeeyan kuwa aqoonta leh ee wax soo bartay.

Wax uu sheegay in qofka aan laheyn aqoonta uu garabsanaayo qabiilka, halka qofka aqoonta lahaa uu meesha ka weynaayo maqaam gaara oo lagu maamuuso.

“Dadka aqoonta leh iyo kuwa aan lahayn, ma ahan kuwa siman, balse waxaa dad siman noqonayaan markii wax walba kusoo dhamaadaan, oo lagu saleeyo qabiilka 4.5,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Wuxuu tilmaamay in barnaamijka qabiilka uu gaaray heer uu saameyn ba’an ku yeesho aqoonta waxa uuna cadeeyay inay muhiim tahay in lala dagaalamo xiriirka laga dhex abuuraayo aqoonta iyo qabiilka oo aan meel wadagalin.

Madaxweynaha oo hadalkaani sheegay xili uu ku guda jiray booqashadiisa Jaamacadda Gaheyr ayaa intaa raaciyay in qofka aqoonta leh iyo qofka aan aqoonta laheyn aysan iskumid aheyn loona baahan yahay in Calamka wax lala qeybsado.

Waxa uu ku nuux-nuuxsaday inay muhiim tahay in goobaha looga baahan yahay aqoonta laga ilaaliyo Barnaamijada qabiilka ee dhibta u horseeday Somalia.

Haddalka Farmaajo ayaa kusoo beegmaaya xili Somalia 99% uu dhaqan ka noqday barnaamijka qabiilka oo gaaray heer lagu riixo muwaadinka aqoonta u saaxiibka ah.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com