Ficilada gurcan ee xildhibaanada iyo boqol jirka madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxa ay ku buuxdaa 100 maalmood doorashadii Madaxweyne Farmaajo.

Maalmo ka hor ayaa Nairobi looga dhawaaqay Madal la baxday ”Horu-socod” oo baraha bulshada iyo warbaahinta Somalida aad looga dooday loona kala qeybsamay ilaa 3 aragti:-

1-In ay khalad tahay dhalashada Madashan, lagana hor-tago, lana joojiyo, kuna tilmaameen; khiyaano qaran, Saadicuun bil-xukuuma, Xildhibaano xil ama dhaqaale doon ah, fara-shisheeye, Qabyo iyo Xasilooni oo magacii u bedeshay Horu-socod, Dal-jir oo gashatay shaati kale, Xildhibaan Xasan Sheikh iyo Xildhibaan Cumar C/rashid oo gadaal ka taagan, markii looga adkaaday doorashadii oo ay heleen fursad aysan helin 20 kii musharax ee kale oo ah; xubin-nimo Xildhibaan, galaan-gal Xildhibaano iyo abaal dhaqaale iyo awood-siin Xildhibaano…iwm.

2-In ay sax tahay dhalashada Madashu, loona baahanyahay la xisaabtanka iyo toosinta Xukuumada, ayna tahay xaq sharci ah oo ay leeyhiin Xildhibaanadu, wakiilna ay ka yihiin Shacabka, talaaba kasta ee Xukuumadu qaadana lala xisaabinayo goor kasta iyo meel kasta, cidna aan looga hey’baysaneyn, waana shaqadii caadiga aheed ee Xildhibaanada, waxna kuma jabna.

3-In loo baahanyaha la xisaabtan iyo kutlooyin, lkn waqtiga iyo goobta lagu soo bandhigay ayaa qaldan iyo hogaanka Madasha, iyaga oo ku sababeeyey in la xisaabtanka Xukuumadu uu yahay 6 bill ilaa sanad kadib iyo in dalka xurriyad ka jirto oo aan loo baahneyn in dal kale la tago iyo in la filayey in hogaanka kutlooyinka Xildhibaanada ay qaban-doonaan dhalinyarada Isbedel-doon ee cusub, gadaalna ay mari-doonaan Xildhibaanadii lagu bartay Mooshinka iyo Sancada, lkn ay weli soo taagan-yihiin.

Hadaba doodaas iyo daliilkeeda kadib aan fiirino wax-qabadkii Xukuumada 100 maalmood:

1-Magacaabis; gole Wasiiro, Taliyaal Ciidan, Gobal Benadir, Dekeda, Airport, Maamuleyaal-dakhli, Xafiisyada Madaxweynaha, R/wasaaraha iyo wasiirada qaar iyo Shaqaale kale oo cusub.

2-Waqtigii shirarka, Shaqada iyo shaqaalaha oo la xadiday 8:00 am – 4:00 pm. Shaqaale la socon waayey waqtiga ama lagu maqlay musuq oo la eryey.

3-Madaxda gobalada oo dib loo shiriyey, laguna daray golaha amniga, laga lana tashaday qorshaha Ciidan, loona waday London.

4-Safaradii Madaxweynaha; From dhulka barakeysan ee Xarameyn ilaa Xarunta caalamka ee London oo gaaraya ilaa 7 plus R/wasaaraha iyo xaruntii deeqsiga ee Doxa. Sidoo kale safarkii gobalada ee Baydhaba iyo inta kale oo qabya ah.

5-Dib-u heshiisiintii oo laga bilaabay Galmudug, welina socota, loona dhisay Madaxweyne.

6-Amnigii oo wax laga bilaabay, lana wado sixida qaladaadkii hore.

7-La dagaalanka Musuqa oo la bilaabay, layskuna dhaarsaday, qofkii ka baxana seeftu qaadi-doonto.

8-Mushaarkii oo la bixiyey bilihii ugu danbeeyey, wacadna lagu maray in uusan mar danbe dib-u dhaceynin.

Hadaba maxaa qaldan oo ay qoonsadeen Xildhibaanadeyna barakeysan??? Hawshu weli waa Qabyo.

Hadii aan qiimeyn kooban ku fiiriyo, aragti ii gaar ah oo aan laheyn Mucaarad iyo Muxaafid, waxaan ku soo ururin lahaa:-

1-In uu jiro is maan-dhaaf ama kala-maan, la xiriira Madaxweynaha iyo Xildhibaanada labada Aqal sida;

Madaxweynu wuxuu arkaa in uu yahay Madaxweyne Shacbi oo shacbigu xushay, kuna qasbay Xidhibaanada in ay doortaan, loona dhaxeyn isaga iyo Shacbiga sida ku cad khubadiisii xuskii SYL ” Dawlada waxaa leh Shacbiga, mana rabo in naloo dhaxeeyo”.

Halka Xildhibaanadu u arkaan in Madaxweynaha iyo R/wasaaraha iyagu keeneen, la xisaabtamayaan, ridayaan, u dhaxeeyaan isaga iyo Shacabka, codkoodana shacabku ka iibsaday xorna u yihiin cidii ay rabaan in ay keenaan.

1-Qabyo oo u aragta in ay R/Wasaaraha leeyihiin kana tirsanaa iyo in gabadhaan reer farmaajo guursadeen ay soo koriyeen kuna leeyihiin Yarad iyo reer Farmaajo oo u arka in reer Qabyo iska nastaan afartaan sano, RW huna qof iyaga kusoo biiray yahay.

Waxaa intaas sii dheer in ay dalka joogaan 1000 ilaa 1500 Siyaasi, from M. C/qasim ilaa M. Xasan oo qaar badan wax xil ama shaqo ah aysan hayn, mid kale oo ka baxsan dawladana aysan qaba karin marxaladaan, iyaga oo raba; in la qaabilo, la dhageysto, shaqo ama shaxaad la siiyo, hoteelada laga dhiibo, xanta dawlada loo sheego si ay dadka ugu sii fasiraan. Hadii aan xal loo helin waa fadhi-kudirir, xan marka danbe run-noqota, dagaal-joogta ah iyo buundo u dhaxeysa Shacabka iyo Dawlada.

W/Q. Dr. Mohamed Gacal

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid