General Quruurux oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho

MUqdisho (Caasimada Online) – Sarkaal Ciidanka Xoogga Dalka ka tirsan, ayaa waxaa xalay lagu dilay Degmada Waaberi, ka dib markii ay toogasho ku dileen rag bistoolado ku hubeysnaa.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray General Cabdulle Maxamed Sheekh Quruurux, ayaa waxaa lagu dilay Waaxda Horseed, gaar ahaan Laanta Iskaashi.

Goobjooge, ayaa sheegay in Sarkaalkaasi uu u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray rasaastii lala dhacay. Goobjoogaha waxaa uu intaa ku daray in raggii dilka gaystay ay goobtaasi ka baxsadeen.

Ciidamada ammaanka oo ku baxay goobta Sarkaalka lagu dilay, ayaa waxaa la sheegay inay goobtaasi gaareen, mar ay baxsadeen kuwii wax dilay.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo Maamulka Degmada Waaberi, ayaan weli ka hadlin tallaabada lagu qaarajiyay General Quruurux. Quruurux waxaa uu horey u soo noqday Taliye Kuxigeenkii Saadka ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Maanta, ayay ahayd markii Magaalada Muqdisho lagu dilay nin lagu magacaabi jiray Cumar Sheekh Ismaaciil (Gambarle), kaasoo xilligii la dilayay watay gaari nooca raaxada ah.

Gambarle oo lagu dilay Isgoyska Geed Jaceyl ee Wadada Wadnaha, ayaa waxaa la sheegay in uu dilay askari ka tirsan Ciidamada Ilaalada Wadooyinka, ka gadaal markii uu murun soo kala dhexgalay. Dadka deegaanka waxay sheegeen in askariga uu ninkaasi weydiistay lacago sharci-darro ah, isagiina uu ka biyo diiday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com