Goorta xildhibaanada cusub la dhaarinayo oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Baarlamaanka Federaalka ee waqtigiisu dhamaaday ayaa goordhow shaaca ka qaaday xiliga furitaanka Kalfadhiga 1aad ee Baarlamaanka 10aad iyo dhaarinta Xildhibaanada cusub ee Labada Aqal.

C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) oo ah Xoghayaha Guud ee Maamulka Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in leysku afgartay in maalinta talaadada ee ku beegan 27-ka December uu dhici doono furitaanka kalfadhiga 1aad iyo dhaarinta Xildhibaanada.

C/kariin Xaaji, waxa uu sheegay in Xildhibaanada cusub looga baahan yahay inay soo qalabqaatan isla markaana aysan kasoo tagin dhammaan Aqoonsiyadooda.

Isagoo ka hadlaayay xiliga iyo Goobta uu ka dhici doono furitaanka kalfadhiga 1aad iyo dhaarinta Xildhibaanada ayaa waxa uu yiri ”Si waafaqsan qodobka 66aad, farqadiisa 1aad ee Dastuurka Federaalka iyo warqadda ku taariikheysan 19ka December 2016 ee guddiga heer Federaal doorashooyinka dadban ee 2016 kusoo saaray natiijada Xildhibaannada ku guulaystay xubinnimada labada aqal ee Baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya waxaan ku wargelinaynaa Xildhibaannada Baarlamaanka in munaasabadda dhaarinta lagu qaban doono xarunta Akadeemiyada General Kaahiye ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed”

C/kariin Xaaji Cabdi (Buux), ayaa sidoo kale sheegay inay ku raja weyn yihiin in Baarlamaanka Cusub uu ka shaqo duwanaado kii Hore.

Haddalka Buux, ayaa imaanaya iyadoo ay fooda nagu soo heyso xiliga Doorashooyinka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com