Guddiga joogtada Golaha oo DFS u fasaxay isticmaalka dhaqaale cayiman oo lagu bixinaayo gurmadka

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka dhacay kullan degdeg ah oo u dhexeeyay xubnaha Guddiga joogtada ah ee Golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Somalia.

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa shir gudoominayay gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa waxaa lagu go’aamiyay in Hal Milyan oo Dollar oo miisaaniyadda Dowladda ka mid ah loo wareejiyo dadka dhaawacyada qaba ee jiifa Isbitaalada Muqdisho si gurmad caafimaad iyo taageero loogu fidiyo.

Xubnaha Guddiga ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxda dowladda ugu baaqay in ay meel ugu soo wada jeestaan sugidda ammaanka guud ee dalka iyo ka hortagga Qaraxyada ka dhaca Muqisho.

Sidoo kale, Xubnaha ayaa su’aalo adag oo dhanka amniga ah weydiinaayay Taliyaha Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka iyo Wasiirka Amniga.

Waxa ay ka dhageysteen warbixino kooban oo ku saabsan Qaraxa, waxa ayna sidoo kale ku booriyeen inay qaadan talaabo lidi ku ah argagixisada Somalia.

Kulanka gudiyada joogtada ah ee Golaha Shacabka waxa uuna kusoo beegmayaa iyadoo sabtidii aynu soo dhaafnay isgoyska Soobe ee Magaaladda Muqdisho uu ka dhacay Qarax sababay dhimashada dad ku dhaw 300 tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen ,iyadoo ay jiraan dad weli lagu la’yahay nolol iyo geeri intuba.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com