Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo doortay guddoomiye cusub

Muqdisho (Caasimada Online) Waxa magaaalada Muqdisho shaley ka dhacday doorasho ay ka soo qaybgaleen dhammaan xubnaha guddiga olombikada Soomaaliyeed, kuwaasoo ka socday  Banaadir, Baay, Bakool, Gedo, Shabeellaha dhexe, Hiiraan, Galgaduud, Shabeellaha hoose, Jubbooyinka iyo Banaadir iyo Puntland.

Xubnahana ayaa doortay guddoomiyaha cusub ee guddiga olambikada Soomaaliyeed, kaddib doorashoo uu isku soo taagay Cabdullaahi Axmed Tarabbi.

Xubnaha meesha fadhiyay ayaa codka ugu shubay Tarabi oo horrey xubin firfircoon  uga ahaa guddiga olombikada Soomaaliyeed ee GOS.

Waxa kaloo isla goobta lagu doortay  guddoomiye ku-xigeenka koowaad waxaa loo doortay Axmed Cabdi Xasan (Wataac), halka guddoomiye ku-xigeenka labaad  isna loo doortay Xasan Axmed Cabdi, guddoomiye ku-xigeenka saddexaad Ibraahim Abuubakar Shaamo.

Sidoo kale waxa  xoghayaha guud GOS loo doortay Duraan Axmed Faarax oo horrey u ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad.

Masuuliyiin ka socotay dowladda uu ka mid ahaa wasiiru-dowlaha adeegga bulshada ee Soomaaliya Maxamed Ismaaciil Barkhadle oo ka hadlay doorashada ayaa sheegay in bahda cayaaraha looga baahan yahay in ay soo celiyaan magacii qaranka Soomaliyeed .

Sidoo kale guddoomiyaha gobalka Banaadir Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa goobta ka hadlay in loo baahan yahay in bahda ciyaaradaha maadama ay Muqdisho nabad tahay hadda, ay soo saaraan rag iyo dumar garoomada caalamka gaarsiiya calanka Soomaaliyeed.

Si kastaba xilkan ayaa horrey waxa uu hayay allaha ha u naxariistee Aadan Xaaji Yabarow (Wiish) oo ahaa guddoomiyihii hore ee guddiga olombikada Soomaaliyeed oo afartii bishii April ee sanadkii hore ku geeriyooday qarax ka dhacay Golaha Murtida iyo Madadaallada Qaranka ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho