Guddiga xalinta khilaafaadka oo shaqo joojin ku dhawaaqay, ayaga oo kashifay 5 arirn

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga xalinta khilaafaadka Doorashada Dadban ayaa soo gabagabeeyay shaqadooda iyagoo difaacay 11-ka kursi ee ay laaleen.

Guddiga Madaxa banaan ee Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka dadban ee Soomaaliya ayaa sheegay in mudadii ay shaqada hayeen ay soo gaareen 71 kiis oo cabasho oo la xiriira sidii loo maareeyay doorashad, laakiin baaritaan iyo cadeymo ay u raadiyeen kiisaskaa ay markii dambe ka soo reebeen 11 kursi.

Guddiga Madaxa banaan ee Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka dadban ee Soomaaliya C/risaq Barre Jaamac.

War-saxafafeed Qoraal ah oo Guddigu maanta soo saarayayaa lagu caddeeyay in Dacwadaha guddiga soo gaaray ay isugu jireen:

1 – Is-dabamarin lagu sameeyay liiska Ergooyinka

2 – Cod iibsasho lagu sameeyay ergada

3 – Ku takrifal awoodeed oo ku aaddan u asteynta kuraasta qoondada haweenka

4 – Dacwooyin ku qotomay kuraas laga duudsiiyay jufooyinkii lahaa

5 – Iyo murashixiin loo diiday shahoodooyinkii iyo ka qeybgalka doorashada.

Guddigan ayaa sheegay in dhamaan Dacwooyinkaa ay u gudbiyeen, kalana hadleen hogaamiyeyaasha madasha iyo beesha caalamka. Wuxuu sheegay guddigu inay ka xun yihiin in iyagoo shaqadaa adag u hayay bulshada laga faafiyay inay qeyb ka ahaayeen musuqa iyo khaladaadka doorasho ee dhacay.

Guddiga xalinta khilaafaadka oo dhowaan laalay 11 kursi oo ka mida kuraastii muranka ka taagnaa ayaa iska difaacay eedeymo loo jeediyay iyadoo sheegay in shaqadoodii ay dhammaatay, halkaasina ay ku soo gabagabeeyeen shaqadii loo igmaday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com