Thaabit oo kulan looga hadlayey Shilalka AMISOM geystaan iyo Muqdisho Stadium la yeeshay Wakiilka Midowga Africa iyo …..

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdiho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminyay Wakiilka Midowga Africa ee AMISOM Francisco Caetano Madeira iyo taliyaha ciidanka AMISOM Ganaraal Subagle.

Maamulka G/baadir iyo Midowga Afrika ayaa ka wada hadlay qorshaha xasilinta caasimadda iyo hormarinta arrimaha bulshada.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdiho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in labada dhinac ay qorshe u sameyeen arrimah la xiriiro shilalka ay xiliyada qaar geestaan ciidanka AMISOM.

Gudooomiyaha ayaa sidoo kale tilmamay inay ku heshiiyen in ciidannka AMISOM ay si dhaqsi ah u soo wareejiyaan garoonka weyne ee Muqdisho Stadium, isagoo xusay in gudo loo saarayo qorsha soo wareejinta garoonka oo dhawaan lagu soo wareejin doon.

Guddoomiyaha Thaabit ayaa Midowga Africa kala hadlay amniga Muqdisho iyo doorka ay ku leeyihiin Ciidamada AMISOM in la xakameeyo shilalka ay AMISOM ka geystaan Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa guul weyn ka gaaray kulankii uu Maanta la yeeshay wafdi uu hogaaminyay Wakiilka Midowga Afrika ee AMISOM Francisco Caetano Madeira iyo taliyaha ciidanka AMISOM Ganaraal Subagle.

Haddaba halkaan hoose ka daawo sawirada