Hanti dhowrihii xilka laga qaaday oo dambi qaran loo soo taagayo maxkamadda sare

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hanti dhowrihii Qaranka ee dhawaan dowladda Soomaaliya xilka ka qaatay Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa ku kacay fal dambiyeed qaran kadib markii uu dowladda Soomaaliya ka gudbiyey waraaqo.

Hanti dhowrihii hore ayaa hey’adda IOM iyo hey’adaha deeqaha siiyo dowladda Soomaaliya u gudbiyey waraaq ku saabsan inay dowladda Soomaaliya ku dhaqanto musuq maasuq isla markaasna ay xafiisyada kala duwan ka jirto isdaba marsiin.

Hey’adaha loo gudbiyey waraaqaha ayaa usoo gudbiyey waraaqihii Dr. Nuur dowladda Soomaaliya gaar ahaan madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si deg deg ah madxtooyada uga yeeray Nuur Faarax, wuxuuna waydiiyey sababta uu ku keenay inuu dowladda ka qoro waraaqo been abuur ah isagoo weliba xilka mar hore laga qaaday.

Labada Mas’uul ayaa kulan dheer qaatay, wuxuuna ugu dambeyn Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre soo jeediyey in waraaqdaas loo gudbiyo xeer ilaaliyaha qaranka isla markaasna ninkaan lasoo taago maxkamadda sare maadaama uu sheegay inuu ku dhaqaaqay qiyaano iyo dambi qaran.

Dhawaan ayaa la filayaa in dacwadaan loo gudbiyo xeeri ilaaliyaha qaranka, waxaana macquul ah in Hanti dhowrihii hore ee qaranka lasoo taago maxkamad.

Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa xilkiisa waayey kadib markii ay ilaaladiisa dileen wasiirkii hore ee howlaha Guud Cabaas Cabdullaahi Siraaji, waxaana xil ka qaadistiisa ka dhalatay muran badan oo markii dambe keenay inuu Madaxweynaha soo saaro waraaq uu xilka uga qaaday.

Wixii warar ah ee kusoo kordha arrintaan waan idinla soo socodsiin doonaa Inshaa Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com