Hay’adda Xuquuqda Aadanaha HRW oo markii ugu horeysay ka hadashay kiiska Qalbi Dhagax

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hay’adda Xuquuqda Insaanka ee HRW oo War kasoo saartay Dhibaatadan lagu hayo qaxootiga dalka Itoobiya ayaa sidoo kale warbixinteeda kusoo dartay kiiska Qalbi Dhagax oo dowladda Soomaaliya ay u dhiibtay Itoobiya kadib heshiis dhex maray labada dowladood.

Hey’adda warbixin dheer kasoo saartay dhibaatooyiin ay la kulmaan qaxootiga, qaarkoodna loo gacan geliyo dowladda Itoobiya oo raadineyso dadka mucaaradka ku ah oo ka tirsan ONLF iyo hey’ado kale iyadoo si faahfaahsan uga hadashay kiiska Qabi Dhagax

Warka waxaa lagu xusay in dadka caanka ah ee mucaaradka ku ah Itoobiya ee loo dhiibay maamulka Addis ay ka mid yihiin kuwa haysta dhalashooyiinka dalal Reer Galbeed ah iyo kuwa u dhashay wadamo kale.

Hay’adda ayaa xustay Cabdikarim Sheekh Muse oo lagu naaneyso Qalbi Dhagax oo la sheegay in dowladda Soomaaliya ay u gacan gelisay Itoobiya, kaasoo  ka mid ahaa guddiga fulinta ee Jabhadda Xoreynta Soomaali Galbeed ee ONLF.

Sidoo kale hay’adda ayaa xustay Cabdikarim Sheekh Muse oo loo garanayay Qalbi Dhagax oo la sheegay in dowladda Soomaaliya ay u gacan gelisay Itoobiya.

Hay’adda difaacdo xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa qortay in Somaliland dhankeeda ay qaxooti ku qasabtay in ay Itoobiya ku noqdaan.

“Sideed ka mid ah dadkii noqday ayaa lagu jirdilay gudaha Itoobiya”, sida HRW ay sheegtay.

War ONLF ay soo saartay xilli hore ayaa lagu sheegay in “qoyska Cabdikarim oo dhan ay dileen ciidamada Itoobiya”. Waxay sheegtay in markii Gaalkacyo lagu qabanayay uu halkaasi ka doonay qof qaraabadiisa ah si uu Muqdisho u geeyo looguna daaweeyo.