Hormuud Foundation Oo Deeq Lacageed Gaarsiisay Bukaanadii Ku Waxyeeloobay Qaraxii Zoobe

 Muqdisho (Caasimadda Online) – Shirkadda Hormuud Telecom qeybteeda Gargaarka ee Hormuud Foundation ayaa gelinkii dambe ee maanta Deeq Lacageed gaarsiisay Bukaanada ku jira Isbitaalada Madiina iyo Digfeer ee Magaalada Muqdisho.

Msuuliyiinta Hormuud Telecom iyo Hormuud Foundation ayaa mid mid u guddoonsiiyay Bukaanadii ku soo waxyeeloobay qaraxii dhawaan ka dhacay Muqdisho iyo bukaanada kale Min 100 dollar oo kaash ah.

Guddoomiye ku xigeenka Hormuud Foundation Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi oo la hadlay Saxafdd aya sheegay in tan iyo markii uu dhacay qaraxii sabtidii ay Hormuud ku howlaneed howlo dab damis ah maantana ay bilowday gurmad deeq lacageed ah oo ay ugu tala gashay Bukaanada.

Deeqda Lacageed ee maanta Hormuud Foundation ay gaarsiisay Bukaandaasi Soomaliyeed kuwaas oo ku soo wax yeeloobay qarixii xooga badnaa ee zoobe.

Shirkadda Hormuud Telecom ayaa had iyo jeer kala qeyb qaadata Bulsha weynta Soomaaliyeed hadba daruufaha ay ku nool yihiin.

Waxaana si ay u dar dar geliso kaalmadeeda Beni’aadanimo u sameysay Hay’ad lagu Magacaabo Hormuud Foundation.