Isticmaalka lacagta Itoobiya oo lagu arkay gobollo cusub oo ka tirsan Soomaaliya

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Gobolo cusub oo ka tirsan Soomaaliya ayaa lagu arkay isticmaalka lacagta Birta Itoobiya kadib markii ay hawada isku shareertay khilaafka ka dhashay isticmaalka lacagaha Shillinka Soomaaliya, gaar ahaan Gobolada dhexe iyo Puntland.

Deegaano ka tirsan Maamul Goboleedka Galmudug ayey ka bilaabatay isticmaalka lacagaha birta Itoobiya kadib markii uu jahwreer iyo khilaaf ka dhashay isticmaalka lacagta shillin Soomaaliga ee Gobolada dhexe iyo Puntland.

Sida ay xogta ku heleyso Caasimadda Online lacagta birta Itoobiya ayaa la bilaabay in laga isticmaalo Caabudwaaq iyo goobo kale oo ka tirsan deegaanada Maamulka Galmdudug.

Dadka daraaseeyo Arrimaha lacagta iyo dhaqaalaha ayaa ku tilmaamay arrintaan inay saameyn weyn ku yeelan doonto lacagta Shillinka Soomaaliga oo markii horeba tabcaan ahaa maadama aan la helin dowladda daryeesho tan iyo burburkii dowladdii Siyaad barre.

Lacagta birta Itoobiya ayaa markii hore si weyn looga isticmaali jiray deegaanada xuduudda dhow la leh dalka Itoobiya, balse waxaa hadda laga cabsi qabaa inay kusoo faafto deegaano badan oo ka tirsan dhulka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inay sare u qaado tayada Shillin Soomaaliga isla markaasna la joojiyo in Soomaaliya laga isticmaalo lacagta Itoobiya maadaamada labada dowladood ay ka dhaxeyso cadaawad soo jireyn ah.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com