Jawaabtii Donald Trump uu ka bixiyey tallaabadii Putin oo ka yaabisay Mareykanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhowr maalin kadib ka hadlay go’aanka ay dowlada Russia dalkeeda uga eriday diblumaasiyiinta kasoo jeeda dalka Mareykanka oo ku sugan magaalada Mosco iyo Gobolada dalka.

Madaxweyne Donald Trump, ayaa sheegay inuu aad usoo dhaweynaayo go’aankii Ruushka dalkooda uga soo saareen in ka badan 750 diblumaasiyiintii ka shaqeyn jirtay Safaarada Maraykanka ku leeyahay Moscow.

Donald Trump, waxa uu sheegay inuu tixgalinaayo talaabada Vladimir Putin uu dalkiisa uga soo saaray diblumaasiyiinta, kadib go’aanka uu baarlamaanka Mareykanka ku kordhiyay cunaqabateynta saaran Ruushka.

Trump waxa uu sheegay in Ruushka lagu cadaadinaayo qirashada in doorashadii uu kusoo baxay garab dhanka codadka ah siiyay, taa oo ugu wacneyd guushiisa.

Donald Trump oo hada fasax maalmo ah ku jooga deegaanka Bedminster ee gobalka New Jersey, ayaa sheegay inuu xushmad gaara u hayo Putin iyo dowladiisa.

Trump waxa uu intaa raaciyay in shaqsi ahaantiisa uusan caqabad u arag go’aanka Puntin balse uu mar waliba yahay mid soo dhaweynaayo go’aankiisa.

Sidoo kale, haddalka Trump waxaa dhaliil ka muujiyay qaar kamid ah diblumaasiyiinta Maraykanka, inkastoo Wasaarada Arrimaha Dibada iyo Xoghayaha Dibada Rex Tillerson aysan si rasmi ah weli arrintan uga hadlin.

Si kastaba ha ahaatee, Trump ayaa lagu xantaa inuu xiriir qarsoodi ah la leeyahay Ruushka taa oo keentay in Trump uu ka hor imaado go’aanka uu baarlamaanka mareykanka ku kordhiyay cunaqabateynta saaran Ruushka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com