La kulan wasiirka ugu dhallinta yar dunida, waana gabar qurux badan: Dalkee ayey u dhalatay?

United Arab Emirates  (Caasimada Online) –  Wasiirka Dhallinyarada Dowladda United Arab Emirates (UAE), ayaa loo aqoonsaday inay tahay Wasiirka ugu dhallintayar adduunka.

Gabadhaan oo lagu magacaabo Shamma bint Suhail Faris Al Mazrui, dhallinteedu waa 22 sanno jir, waxaana loo aqoonsaday inay tahay Wasiirka ugu dhallintayar caalamka oo dhan.

Xilkaan waxaa loo magacaabay bishii February 2016kii, waxaana markaas xilkaan u magacaabay Madaxweyne ku xigeenka UAE ahna Madaxa Wasiirada Dowladdaas Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum.

Shamma Al Mazrui waxay kasoo qalin jebisay Jaamacadda University of Oxford sannadkii 2015kii, waxayna kasoo qaadatay Shahaadada Masters of Public Policy, sidoo kale Bachelor of Arts in Economics ayey ku diyaarisay Jaamacadda New York University Abu Dhabi.

Dowladda United Arab Emirates (UAE) ayaana gabadhaan u magacawday Wasiirka Dhallinyarada, laakiin baaritaan la sameeyey waxaa lagu ogaaday inay Shammah tahay Wasiirka ugu dhallintayar adduunka.

Caasimada Online
Xafiiska United Arab Emirates
caasimada@live.com