Maamul goboleedyadda oo ku qanacsan go’aankii BF ka qaatay 8-dii kursi ee lagu muransanaa

Muqdisho (Caasimada Online) –  Hogaamiyaasha maamuladda Somalia ayaa lagu soo waramaya iney qabaan go’aan la mid ah midkii uu shalay ka qaatay Baarlamaanka Somalia 8-dii kursi ee muranku jiray.

Xiriiro kala duwan oo ay Caasimadda Online la sameysay maamul goboleedyadda Gal-mudug,Hirshabeele Puntland, Jubbaland iyo K/galbeed ayaa laga dhadhansan karay iney ku qanacsan yihiin inaan lagu laaban kuraastaas oo sidooda loo dhaafo.

Waxaa ay sheegayaan saraakiisha aan la xiriirnay ee maamuladda iney maxkamadda sare ku adeeganayaan dad dano gaar ah wata taasina ay shaki galineyso kalsoonida lagu qabi karo Maxkamadda sare ee dalka iyadoo arintani abuuri karto xasilooni daro siyaasadeed.

Si looga gudbo xaaladaha cakiran maxkamadda sare ee Somalia waxaa la gudboon iney aqbasho go’aanki uu shalay gaaray Baarlamaanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la aaminsan yahay inuusan ku qanacsaneyn hanaanka maxkamadaha iyo garsoorka dalka waxaana laga yaabaa in dhowaan ay xilkooda waayaan qaarkood kadib markii lagu eedeeyay cadaalad daro halka hay’addaha garsoorka qaarna ay noqdeen kuwo laaluush qaata.

Gudoomiyaha maxkamadda sare ayaa dhowr jeer looga digay inuu faraha kala baxo kiiska xildhibaanada is heysta oo noqotay dood aan dhamaan.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com