Maxaa u sabab ah arrinta Sheekha lagu eedeeyay inuu u gafay Nabi Maxamed (Waxbadan Ogaaw)

Nairobi (Caasimada Online)-Waxay ahayd dhacdadii ugu saamaynta badnayd ee diin la xiriirta, dadkana isku mid ah u wada saamaysay oo dhawaanahan dhacda.

Inkasta oo murunada xaga diinta ay sanadihii ugu dambeeyay kor usii kacayeen gudaha dalka Soomaaliya, ayna jireen firqooyin diimeed kala duwan oo qaarkood hubeysanyihiin, qaarkood aanan hubeysnayn, ayaa haddana arrinta ku saabsan Sheekh Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare waxa ay ahayd mid aad uga duwan waxyaabihii aan horay usoo aragnay oo dhan.

Muuqaalka Sheekh Cabdiwali

Waxaa soo ifbaxay muuqaal lasoo duubay, balse aanan la xaqiijin karin saxnimadiisa , meesha lagu duubay iyo goorta la duubay intuba, kaas oo baraha bulshada lasoo galiyay.

Muuqaalka waxaa ka muuqda nin wadaad ah oo jeedinaya muxaadaro , waxaa agtiisa yaala sawirka wadaad kale oo markasta uu gacanta ku taagayo, mar ka mid ahna wuxuuba ku sheegay in uu yahay nabi, ayna tahay in lagu saliyo.

Waxaa iyadana jirtay koox dhalinyaro ah oo heesaya, kuna heesaya hees afka carabiga ah oo ay dulucdu tahay in lagu saliyo nabiga, iyaga oo mid mid u dul imanaya sawir wadaad oo kursi la dulsaaray.

Waxay u muuqdaan in ay ka barakaysanayaan sawirka oo uu ag taagan wadaadka oo isna u muuqda in uu ka barakaysanayo, aadna ugu riyaaqsanyahay heesta ay dhalinyarada ku luuqeynayaan.

Muuqaaladan oo wali ku jira baraha bulshada ayaa si weyn la’isugu gudbiyay, waxaana aragtiyadooda ka dhiibtay dad aad u badan oo intooda badan dhaleeceeyay, kuna baaqay in talaabo laga qaado wadaadkan.

Maamul goboleedka Galmudug ayaa durba ka jawaabay, waxayna soo saareen amar lagu soo xirayo Sheekh Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare.

Wasiir ku xigeenka amniga Galmudug Mahad Xasan Maxamed ayaa shir jaraa’id ka yiri “Waxaan faraynaa in laamaha amniga ee Galmudug ay qabtaan ninkaas”.

Maalin kadib amarkaas ayuu Sheekh Cabdiwali maxkamad ku taalla koonfurta Gaalkacayo kasoo hormuuqday, halkaas oo dacwadiisa lagu dhagaystay.

Garsooraha maxkamaddaas, Sheekh Maxamed Macallim Cali ayaa BBC-da u sheegay in ninka la eedeeyay oo lagu magacaabo Sheekh Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare uu maxkamadda hor yimid oo su’aalo la waydiiyay, markii dambana la fasaxay.

“Maalmo dhan baan daba joognay, haddana Sheekha waan wareysanay wuxuuna caddeeyay in arrintaas uu ka bari yahay,” Ayuu yiri garsooraha.

Wadaadka lagu eedeeyay gefka ayaa isna ka hadlay arrinta, wuxuuna beeniyay in uu nin kale ku sheegay in uu nabigiiba yahay , wuxuuna intaas ku daray in sawirka uu farta ku fiiqayo uu yahay sheekhiisa oo lagu magacaabo Maxamed.

Ninka sawirkiisa la sheegay in uu nabiga yahay ayaa magaciisa lagu sheegay in uu yahay Biloow Sheekh Xuseen sida ay lagu qoray bayaan ay soo saareen hay’adda culumada Soomaaliyeed, magacaas oo dabcan ka duwan kan uu Sheekh Cabdiwali ku sheegay in uu Maxamed yahay.

Fariin muuqaal ah ayuu Biloow Sheekh Xuseen soo galiyay baraha bulshada, inkasta oo aysan BBC-du xaqiijin karin in uu isaga yahay, haddane qofka muuqaalka ka muuqda waxa uu iska bari yeelay in uu nabi yahay.

Wuxuuna yiri “Waxaan maqlay in sawirkayga Facebook lasoo galiyay, oo la yiri ninkaan baa nabinimo sheegtay, aniga nabinimo ma sheegan, mana sheegan doono, walaa owliyo nimo ayaanan sheegan, aniga waxaan ahay miskiin diciif ah oo adoomaha alle ka mid ah” .

Bayaanka Culumada

Hay’adda culumada Soomaaliyeed ayaa war qoraal ah oo ay kasoo saareen arrinta Sheekh Cabdiwali, waxayna ku sheegeen in uu ninkaas diinta ka baxay.

Guddoomiyaha culumada Sheekh Bashiir Salaad oo shir jaraa’id ka hadlay ayaa yiri “Culumada waxaa maalmihii ugu dambeeyay soo gaarayay hadalo khatar ah oo kasoo yeerayay nin ku nool magaalada Gaalkacayo oo lagu magacaabo Sheekh Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare, waxaana ka mid ah in laga kor yeelay salaadihii iyo waajibaadkii diinta ee kale, haddana waxa uu ku daray in uu soo bandhigay sawir nin la yaqaan oo magaciisu yahay Biloow Sheekh Xuseen oo uu ku sheegay in uu yahay nabigii”.

Wuxuu intaas ku daray Sheekh Bashiir Salaad “Culumadu waxa ay caddaynayaan in uu ninkaas Cabdiwali diinta ka baxay, waayo waxa uu nabinimadii siiyay qof aan ahayn nabi Muxamed SCW”.

Culumo badan oo caan ah ayaa ka hadashay arrinka Sheekh Cabdiwali, waxaana ka mid ah Sheekh Maxamed Idris , Sheekh Umal iyo Sheekh Shibli.

Hase yeeshee hadalkii Sheekh Maxamed Shibli ayaa dhaliyay buuq hor leh, kadib markii waraysi uu siiyay taleefishinka STN ee Nairobi xaruntiisa tahay uu ku sheegay in ninka nabiga lagu sheegay uu yahay “nin fool xun oo jareer ah”.

Hadalkaas ayaa waxa uu aad uga xanaajiyay dadka qaar ee Soomaaliyeed oo Sheekh Shibli ku eedeeyey in uu ku xadgudbay, balse Sheekh Shibli ayaa markii dambe raaligalin ka bixiyay hadalkii horey uga dhacay.

Baraha Bulshada

Waxaa dhawaanahan aad u sahlan in ay faafaan dhacdooyinka qariibka ah ee laga yaabo in meeshii ay ka dhaceen aysan markaas dad badan ku sugnayn, balse marka lagu soo baahiyo baraha bulshada ay durbaba aad u faafayaan.

Barta Facebook oo ah meesha ay Soomaalida intooda badan isticmaalaan ayaa waxa jira shaqsiyaadka leh bogag ay ugu jiraan tobonaanka kun oo qof, kuwaas oo marka ay sii faafiyaan wax uu hal qof soo dhigay ay markaas arrintii noqoto mid aad u baahda.

Inkasta oo Soomaalida ay ku kala nooshahay qaaradaha adduunka oo dhan, haddane waa isku wacyi, hal sheey oo ka dhacay tuulo ama magaalo yar oo Soomaaliya ka mid ah oo baraha bulshada lasoo galiyay ayaa dhalin kara kacdoon ama carro xoogan oo dadka oo dhan wada saamaynaya, marka dambana ku kalifta in madaxda dowladda ay ka hadlaan ama talaabooyin laga qaado.

Tusaale bishii Janaayo ee sanadkan, waxaa baraha bulshada lasoo galiyay muuqaal muujinaya shan dhalinyaro ah oo lagu eedeeyey in ay kufsadeen gabadh yar, waxayna ka dhacayday magaalada Galdogob ee gobolka Mudug.

Dhacdadaas ayaa waxaa ka dhashay caro baahsan oo wada saamaysay Soomaalida oo dhan, markii dambane ku dambaysay in ay soo farogaliso dowladda federaalka, illaa heer uu ka hadlay madaxweynihii markaas joogay.

Sidoo kale nin ku sugnaa magaalada Jowhar ayaa habeenkii la doortay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo laga soo duubay muuqaal isaga oo leh “Farmaajo ii geeya”, muuqaalkii ayaa meel kasta qabsaday, iyada oo markii dambe ninkii loo geeyay Farmaajo, waxaana la sheegay in xitaa shaqo laga siiyay madaxtooyada.

Inkasta oo siyaabo badan oo wanaagsan loo adeegsado, oo ay ka tahay in lagu caawiyo dadka ay dhibaatooyinka abaaraha iyo masiibooyinka kale haleeleen, haddane waxaa aad isu soo taraya siyaabaha qaldan ee mararka qaar dhibaatooyinka waaweyn horseedi kara, illaa lagu doodi karo in dalka oo dhan ay qalqal galin karaan.

BBC

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com