Maxaad ka taqaan maalmaha galmadu ay keeni karto bacrimin? (Faa’iideyso)

GOORMA AYAY BACRIMINI DHICI KARTAA?

Si aynu su’aashaasi uga jawaabno aynu derisno afartaan xaaladood:

– Hadday galmo dhacdo muddada u dhaxaysa maalinta ay haweeneydu ka qabaysato dhiigga caadada, ilaa iyo afar maalmood kahor maalinta ay ugxantu diyaarka u tahay in la faxlo, xawadii waa ay dhimanaysaa intaanay la kulmin ugxantii, maadaama aanay noolaan karin wax ka badan afar maalmood, sidaasi daraadeed bacrimini ma imaan karto.

– Hadday galmo dhacdo afar maalmood ilaa iyo maalin kahor xilliga ugxamaynta, xawada inteeda badani waa ay dhimataa, qaar baase gabbaadin ka dhigta raacana dareeraha duufka ah, halkaasina ku suga soo bixitaanka ugxanta. Markii muddo la joogaba qaar xawadii kamid ah ayaa dibadda u soo baxa si ay bal u hubiyaan inay ugxantii soo baxday iyo in kale, halkaasina ay Aysiidha cambarku qaar kale kaga leysaa. Ugu dambeynta hal xawo ayaa laga yaabaa inay nasiib u yeelato inay ugxantii la kulanto, halkaasina ku bacrimiso. Xawada qura ee ay suuragal tahay inay wax bacrimiso waa nooca X, maadaama aanay Y muddada intaa la’eg noolaan karin keyd cunto iyo adkaysi yaraan aawadood.

– Haddii la isu galmoodo maalinta ugxamaynta ilaa iyo 24ka saac ee xiga, ugxanta ayaa ah markaasi tan iyadu sugaysa inay xawadu u timaado, sidaasina bacrimintii ku dhacdaa. Xawada wax bacrimin karta xilligaasi waa Y, maadaama ay ka firfircoon tahay X, kagana hor marayso ugxantii oo diyaar ah.

– Haddii la isu galmoodo kolkay 24 saac ka soo wareegto ugxamaynta iyo wixii ka dambeeya, nasiib darro ugxanta oon noolaan karin wax ka badan 24 saac aawadeed, ayay intay quusato murugo u dhimataa.

Waxaad halkaasi ka garan kartaa in muddada ah afar maalmood kahor iyo 24 saac kadib maalinta ugxamayntu ay tahay waqtiga ugu habboon ee bacrimini dhici karto.

Su’aashii aynu mar dhoweyd ka jawaabnay haddaynu si kale isu weydiinno, qaab kalena uga jawaabno, waxay noqonaysaa sida tan:

W/D: Sabriye Macallin Muuse