Maxkamadda sare ee USA oo ogolaatay qeybo ka mid ah amarkii Trump ku mamnuucay muslimiinta

Washington DC (Caasimada Online) – Maxkamadda sare ee dalkan Mareykanka ayaa maanta oo Isniin ah ogolaatay in qeyb xaddidan oo ka mid ah xayiraaddii socdaalka ee Madaxweyne Trump uu ku soo rogay dadka u dhashay lix waddan oo Muslim ah ay dhaqan galaan, isla markaana ay Maxkamaddu eegi doonto awoodda guud ee Madaxweynaha ee arrimaha socdaalka bisha October.

Lixdan dal ayaa kala ah Soomaaliya, Syria, Iran, Sudan, Yemen iyo Libya, kuwaas oo dadkooda dhammaan ama badankood ay yihiin muslimiin.

Maxkamadda ayaa ogolaatay in dalka laga mamnuuco dadka aan wax xiriir ah la lahayn dal ama hay’ado ku sugan dalka Mareykanka, halka kuwa la lehna loo ogolaaday.

Tusaale, qofkii ehel dhow, sida hooyo, aabe, walaal, xaas ay ka joogaan Mareykanka, waa loo ogolaaday. Waxaa sidoo kale loo ogolaaday ardayda haysasat aqbalaad jaamacado Mareykan ah ama qofka haysta shaqo ay siisay hay’ad Mareykan ah, waa iman karaa.

Waxaa taa macnaheedu yahay in tusaale, qofka Soomaaliga ah ee doonaya inuu dalxiis ku yimaado Mareykanka, ama saaxiib ku leh Mareykanka aanu dalka soo gali Karin.

Garyaqaan Cabdiwaaxid Qalinle oo ka tirsan sharci yaqaanada Soomaalida ee ka howlgala gobolka Minnesota ee dalkan Mareykanka, ayaa idaacadda VOA u faahfaahiyey go’aankan.