Muxuu Col. Bishaar ka yiri xil ka qaadista lama filaanka ah ee lagu sameeyay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalinimadii shalay uu Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. C/xakiin Dahir Saciid (Saacid) xil ka qaadis ku sameeyay Korneyl Bishaar Geeddi, ayaa waxaa xil ka qaadistaasi ka hadlay Korneelka.

Korneyl Bishaar, ayaa sheegay in warbaahinta uu ka maqlay in laga qaaday xilka Taliyaha qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Waxa uu sheegay in Taliyaha Booliska uusan kusoo wargalin xil ka qaadista lagu sameeyay waxa uuna arrin aad loola yaabo ku sheegay in qof mas’uul ah xilka laga qaado iyadoo aan la wargalin.

Korneyl Bishaar Abshir Geeddi ayaa yiri ”La iguma soo wargelin in xilka la iga qaaday, cid ila soo xiriirtay oo ii sheegtay in xilka la iga qaadayna ma jirto, warbaahinta oo keliya ayaan ka maqlay”.

Korneyl Geedi, ayaa xilkan loo magacaabay horaantii bishii June ee sanadkii hore, ka dib markii xilkaasi laga xayuubiyay General Cali Xersi Barre ”Cali Gaab”.

Korneyl Bishaar Abshir Geeddi ayaa waxaa lagu bedelay Jen, Axmed Xasan Maalin oo horay usoo qabtay xilka, waxa uuna markii ugu danbeysay ahaa Madaxa Hoggaanka howlaha ciidanka Booliska.

Dhawaan ayay aheyd markii Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Cumar Islow ”Ducaale” sheegay in is bedelo lagu sameynayo hoggaanada kala duwan ee Hey’adaha ammaanka, si loo dar dar geliyo howlaha sugida ammaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com