Muxuu Erdogan ka yiri 13-ka dalab ee xulufada Sacuudiga ay hordhigeen Qatar?

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga, Racep Tayyip Erdogan, ayaa yidhi shuruudaha ay Qatar ku xidheen dalalka Gacanka ee ay jaarka yihiin waa kuwo ka hor imanaya sharciga caalamiga ah, sababta oo ah buu yidhi waxay farogelin ku yihiin qaranimada dalkaas.

Qatar ayaa ku tilmaantay shuruudahaa oo ay ka mid yihiin in ay hoos u dhigto xidhiidhka ay Iran la leedahay, in ay xidho Tv-ga Aljazeera iyo in ay xidho saldhigga ciidamada Turkigu ku leeyihiin dalkaas kuwo aan suurtogal ahayn.

Todobaadkii hore ayaa Ankara waxay ballan qaaday in ay xoojin doonto ciidamada ka jooga Qatar. Waxa kale oo ay u dirtay markab cunto sida magaalada Dooxa oo ah xarunta dalka Qatar ee ay go’doomiyeen Sucuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxrayn iyo Masar oo ku eedeeyey in ay maalgeliso argagixisada.

13-ka dalab ee la hordhigay Qatar ayaa kala ah:-

  • Inay xiriirka oo dhan u jarto kooxda Ikhwaanu Muslimiinka oo dalalka kale ee Carabta laga mamnuucay
  • Inay si deg deg ah u xirto xarunta milatariga ee uu Turkiga ka dhisayo gudaha Qadar, xiriirka wadashaqeynta milatari-na ay u jarto dalkaasi.
  • Inay xirto telefishinka Al Jazeera iyo laamaha warbaahineed ee xiriirka la leh.
  • Inay u diido inay dhalasho siiso muwaadiniinta afarta dal ee xiriirka u jartay, kuwa hadda joogana ay dalkeeda ka ceyrsio. Waxay sheegeen in taasi ay horseedi doonto in Qadar aysan faragelin ku sameyn arrimaha daakhiliga ee dalalkaasi.
  • Inay dalalkaasi ku soo wareejiso shakhsiyaadka loo hayssta inay ku kaceen falal argagixisnimo ee dalkeeda ku nool.
  • Inay joojiso maalgelinta kooxaha ay Mareykanku ku sheegay inay yihiin argagixiso.
  • Inay macluumaad badan ka bixiyaan kooxaha mucaaradka ee ay Qadar maalgelisay ee ku kacsan sacuudiga iyo dalalka kale.
  • Inay joojiso maalgelinta kooxaha mucaaradka ku ah dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxrayn.
  • Inay u dhaqanto si waafqasan danaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalalka ku jira Golaha Khaliijka.
  • Inay joojiso si dadban u maalgelinta warbaahinta sida Carabiya21 iyo Middle east Eye
  • Inay bixiso lacag ganaax ah oo aan la sheegin caddadeeda oo ah magdhawga saameynta ka dhalatay siyaasadaha kahladan ee ay Qadar ku dhaqmeysay muddo sanado ah.
  • Inay 10 maalmood gudahood ku aqbasho dallabaadkan.
  • Inay aqbasho baaritaanno iyo dabagal joogt ah oo lagu eegayo sida ay u fulineyso dalabaadkan bilaha iyo sanadaha soo socdo.

Caasimada Online
Xafiiska Ankara 
caasimada@live.com