Muxuu yahay go’aanka Sheekh Shariif ee siyaasadda Soomaaliya?

Waxaa la wada ogyahay in Shiikh Shariif uu kaalinta seddexaad ka galay doorashadii dhawaan ka dhacday Gudaha Soomaaliya kaasoo uu guul weyn ka gaaray Madaxweynaha hadda talada qabtay ee Farmaajo markaas oo uu kaalinta labaad soo galay Xasan shiikh Maxamuud.

Doorashadaan ayaa waxay guuldaro labaad oo xiriir ah u aheyd Shiikh Shariif Sh. Axmed oo uu dharbaaxo hore kusoo dhuftay Xasan Shiikh Maxamuud doorashadii ka dhacday Soomaaliya sanadkii 2012 Markaas oo uu Xasan si lama filaan ah ugu soo baxay Kursiga madaxweynimo ee Soomaaliya.

Haddaba Shiikh Shariif sidee ayuu u arkaa guusha Farmaajo

Taas waa iska caddahay maadaama lawada arkayey habeenkii uu farmaajo guuleystay Shiikh Shariif oo hambalyo iyo farxad laga dareemayey maadama ay musharixiinta dhammaantood ka mideysnaayeen in kursiga laga tuuro Xasan.

Haddaba Caasimadda Online ayaa daba gashay xaaladda Siyaasadeed ee Shiikh Shariif Guushii Farmaajo kadib waxayna shabadda ogaatay inuu Shiikha dib isaga noqon doono dibadaha oo uu dhawaan kasoo laabtay halkaas oo uu 4 sano waxbarasho kusoo qaatay waxaana natiijada waxbarashadiisa laga dareemayey qudbadihii ololihiisa musharxinimo markaas oo uu shiikha adeegsaney ereyo Ingiriis ah oo tusaale wanaagsan u ah inuu Luuqadaas soo bartay haddana uu yahay siyaasi ku hadli karo Luuqadaha Carabiga iyo ingiriiska.

Shariif ayaa xiriir fiican la leh Farmaajo sidaas oo ay tahay dalka wuu isaga tagi rabaa maadaama aysan boos uga banaaneyn siyaasadda dalka iyadoo lawada ogyahay in siyaasadda aysan laheyn gadaal u gurasho oo ay leedahay hore usocod sidaas awgeedna macquul maahan inuu Shiikha qabto jago ka hooseeso madaxweynimo waana midda ugu weyn ee keeneyso inuu dibadaha isaga laabto.

Shiikh Shariif ayaa hadda weli dagan guriga uu Muqdisho ka daganaa tan iyo markii uu ololaha bilaaway wuuna ku faraxsan yahay guusha Farmaajo waxaana taas caddeyn kuugu filan inuu ku tilmaamay inuu yahay madaxweyne Hoggaamin kara dalka oo muwaadin ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com