Saacid oo shaaciyay tirada ciidan ee degmo weliba laga howlgalinayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada Booliisk Soomaaliyeed Gen, Cabdixakiin Daahir Siciid ”Saacid”, ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan amniga magaalada Muqdisho lagu wareejin doono ciidamo gaar ah.

Taliyaha Booliska ayaa sheegay in ciidamadaasi laga howlgalin doono dhammaan Degmooyinka Gobolka Banaadir, si ay uga qeybqaatan sugida amniga.

Taliyuhu waxa uu tilmaamay in qorshaha hadda socda uu yahay in degmo weliba la geeyo 100 Askari oo laga soo dhisay dhinacyada tababarka, Habdhaqanka iyo deegaanka.

Waxa uu intaa raaciyay in ciidamadani laga soo kala xulay Xaafadaha si ay uga howlgalaan Xaafado ay si wanaagsan u kala garanayaan, sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamadan ayuu sheegay inay si dhow ula shaqeyn doonaan ciidamada ka howlgala Saldhigyada degmooyinka.

Sidoo kale, Gen, Saacid ayaa ku baaqay in askari weliba uu wanaajiyo hab dhaqankiisa si ay wada shaqeyn uga helaan dadka shacabka ah ee ku sugan degmooyinka.

Hadalka taliyaha ayaa ku soo aadaya xili dhawaan Wasiirka Amniga Soomaaliya uu sheegay in la sameyn doono Ciidamo gaar ah kuwaas oo ka qeyb qaadan doonaan Sugida amniga Muqdisho.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com