Sacuudiyaankii CIA-da ee sariir boqoreedka uga tagay Kenya – Qeybtii 1-aad

Waa qeybtii koowaad qoraal taxane ah oo ku saabsan noloshii iyo hawlgaladii Bariga Afrika ee Adnan Khashoggi, oo ahaa nin mar lagu naaneysi jiray “ninka dunida ugu taajirsan” oo ahaa ganacsade hubka oo reer Sacuudi ah, isla markaana ahaa xubin laanta sirdooonka Mareykanka CIA ee Bariga Afrika.

Meeshu waa Nairobi.  Bishii Disembar 10keedii, 1976, Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya (State House), madaxweynihii xilligaas ee Kenya Jomo Kenyatta ayaa ku qaabilay wafdi marti heer sare ah oo soo booqday madaxweynaha.  Waa nin maalqabeen bilyaneer ah oo u dhashay asal ahaan dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo lagu magacaabo Adnan Khashoggi.  Khashoggi waa ganacsade hubka ka beec-mushtara.

Adnan Khashoggi, xubintii CIA-da ee sariirta ku dhaafay Kenya.

Khashoggi oo geeriyooday mudo hadda laga joogo labo toddobaad sabab lagu sheegay xannuun dhanka wadnaha ah, ayaa haddiyad guddoonsiiyay madaxweyne Jomo Kenyatta.  Hadiyadu waa seef dahab ah.  Sababta uu madaxweyne Kenyatta ku muteystay haddiyada, waa kaalintiisa hogaaminta wanaagsan ee dalka iyo dadka Kenya. Waa calaamad hab-maamuus.

Maalintaas, Khashoggi waxaa booqashada ku wehlinaya wiilka ugu weyn wiilasha madaxweyne Jomo Kenyatta; waana Peter Muigai iyo madaxii hab-maamuuska madaxtooyada Kenya oo la oran jiray F.K. Nganatha.   Booqashadani waa tii labaad ee uu Adnan Khashoggi ku yimaado Kenya, isagoo rajo ka qaba inuu helo fursad uu ku ballaarin karo shabakadiisa ganacsiyeed!.

Taasi waxay ahayd intii saxaafadda maalinkaa loo sheegay. Laakiin maanta (41 sannadood kadib), waxaa la ogaaday in Adnan Khashoggi uu yahay ninka iska lahaa sariir nooca boqorrada ku seexdaan oo kale ah oo laga heley deegaanka Nanyuki ee dalka Kenya.

SAFAR DALXIIS RAAXO

Bishii Jannaayo isla sannadkaasi 1976, Adnan Khashoggi waxaa uu Adnan Khashoggi garoonka Embakasi ku yimid diyaarad jet ah, waliba nooca madaxda lagu qaado ee Boeing 727, taasoo gudaheeda uu ka furan yahay xafiis dhan oo ay ku shaqeystaan Adnan Khashoggi iyo kaaliyaashiisa xitaa inta ay diyaaraddu ku jirto duulimaadyadeeda.

Markii uu duulimaadku soo caga-dhigtay wuxuu Khashoggi si toos ah u abaaray Mt. Kenya Safari Club, oo ah caweys lagu tamashleeyo oo ku yaalla deegaanka Nanyuki, kaasoo mar wada lahaan jireen milyaneerkii iska lahaa shirkadda Saliida ee Texas Oil Ray Ryan, Carl Hisrchman oo ka hawlgali jiray Bangi Switzerland ku yaalla iyo William Holden oo ahaa xiddig dhanka filimada oo Mareykan ah.

Sida uu sheegayo qoraaga buug ka hadlaya taariikh nololeedka Adnan Khashoggi “Khashoggi: Soo if-bixii iyo dhiciddii ninka dunida ugu taajirsan“, Khashoggi wuxuu booqday caweyska isagoo ay wehlinayaan labo ruux oo kala ah; Henry Roussel oo ah maalqabeen iska lahaa shirkad dawooyinka sameysa oo Faransiis ah iyo Edward K. Moss oo Khashoggi u qaabilsanaa arrimaha xiriirka dadweynaha iyo warbaahinta.

Saddex-duba waxay kabacdi u jiheysteen Ol Pejeta oo ah beer weyn oo dalxiiska ku nastaan xoolahana lagu dhaqo.  Edward K. Moss markaa waa xubin ka tirsan caweyska Mt. Kenya Safari Club.  Laakiin markan Safari hawsheedu waa ka badan tahay caweys qura.

   

BAR KULANKA BASAASIINTA

Qol-sariireedkii Adnan Khashoggi ee ku dhex yaallay beerta Ol Pejeta ee dalka Kenya.

Meesha caweyska ah, waa halka ay ku kulmaan xubnaha basaasiinta reer galbeedka, hase yeeshee la baxay “kooxda caweyska Safari”, kuwaa oo ujeedadooda weyn ay ahayd inay wiiqaan saameynta Midowgii Sofiyeeti ee Afrika.  Adnan Khashoggi wuxuu ahaa qeyb ka mid kooxdan.  Halka Dawlada Mareykanka aysan si toos ah ugu lug yeelan hawkgallada “Caweyska Safari”, haddana Xoghayihii Arrimaha Dibedda ee xilligaas Henry Kissinger, ayaa la sheegaa inuu aqbalaad hoose uu siiyay hawlgallada kooxda.

1976, kadib kulankoodii koowaad ee ay ku yeesheen Caweyska Safari, kooxda basaasiinta waxay go’aansadeen inay xaruntooda ugu weyn ka furtaan magaalada Qaahira ee dalka Masar, ayna iibsadaan dhowr dhismayaal si ay hawlahooda isugu duba-ritaan.

Waxay ahayd isla sannadkaas, markuu Adnan Khashoggi iibsaday Caweyska Mt. Kenya Safari Club, sida uu cadeeyay sarkaal hore oo ka tirsanaa sirdoonka Mareykanka oo la yiraahdo Joseph Trento, kaasi oo qoray buug caanka noqday ee “Prelude to Terror: The Rogue CIA, The Legacy of America’s Private Intelligence Network and the Compromising of American Intelligence“.

DILKII GANACSADE RYAN

Iiibsiga Caweyska Safari wuxuu ku soo beegmay iyadoo Ray Ryan, oo ah nin saami ku lahaa Cawesyska, uu wajahayey baaritaan adag oo ku wajahnaa canshuuro hantida uu Kenya ku leeyahay oo uu la goostay kaasi oo ay ku waday Dawlada Mareykanka.  Jaalkiisa ganacsi Hisrchman ayaa sidoo kale wajahayey culeys dhanka dhaqaalaha ah. Markaa labada ninnba waxay go’aansadeen inay iska iibiyaan saamiga ay ku lahaayeen Caweyska Safari.  Ganacsadaha reer Sacuudi ee reer Mareykan Adnan Khashoggi ayuu ahaa ninka ay ka wada iibiyeen mulkiyadda Caweyska Safari.

Ganacsade Ryan, dhowr saacadood kadin ayuu ku soo laabtay baabuurkiisii, hase yeeshee markii uu baabuurka furaha ku rogay intuusan dhaqaaqin ayaa mar qura qarax weyn ka kacay qeybta matoorka saaran yahay ee baabuurka. Halkii ayuu ku geeriyooday ganacsade Ryan.  Dilkiisa illaa maanta looma helin xal, lamana sheegin cid lagu tuhmay.

Gancsade Ray Ryan.

Wixii dhacay kadib markii uu Khashoggi iibsaday Caweyska ayaa ahayd mid musiibo ah.   Bishii Oktoobar 18-keedii, 1977, ganacsade Ryan oo caan ku ahaa ciyaarta Khamaarka, ayaa booqday qeybta jirdhiska (gym) ee Caweyska, isagoo baabuurkiisii Lincoln Mark V Coupe dhigtay dibedda Caweyska.

Haddii Caweysks Safari, oo uu xilligaasi maamule ka ahaa Theodore Goerge “Ted” Shackley Jr,  uu ahaa run ahaantii halka ay ku hawlgalaan kooxda basaasiinta ee la baxday “Safari Club” iyo in kale ma caddeyn. Xilliga uu Adan Khashoggi iibsaday Caweyskan Kenya ku yaalla, Mudane Shackley wuxuu ahaa ku xigeenka agaasimaha hawlgallada qarsoon ee CIA-da ee  maamulkii George Bush (aabaha).

Mudane Shackley waa markii danbe shaqada ka ceyriyay madaxweynihii talada qabtay bishii Jannaayo 1977, oo ahaa Jimmy Carter.  Madaxweyne Carter wuxuu sidoo kale kala daadiyay shabakadaha sirdoonka gaarka.  Hase yeeshee, Mudane Shackley illaa haatan waxaa loo arkaa mid ka mid ah saraakiisha ugu mudan CIA-da Mareykanka. Wuxuuna taa ku muteystay in rag badan oo kuwii ay isla shaqeyn jireen ee la dhacsanaa hawlgalladiisa ku naaneysaan “Reer aakhiraadkii timaha dahabiga lahaa”.

Qoraaga buugga taariikhda Mudane Shackley oo la yiraahdo David Corn, ayaa ku tilmaamay Mudane Shackley “mid ka mid ah kuwii ugu wanaagsanaa CIA-da, kuna haboonaa inuu noqdo agaasimaha guud ee Laanta Dhexe ee Sirdoonka, illaa shaqadiisu ay jihadii ka leexatay”.  Wuxuu kaloo ku sifeeyay inuu ahaa “nin qabow, aad u xisaabtama, aan wax naxariis aqoon!!” sida uu qoruhu ka soo xigtay mid ka mid ah dadkii ay wada shaqeyn jireen Shackley laf ahaantiisu.

——-LA SOCO QEYBTA 2AAD——

W/Diyaariyay; Cabdalle Muumin
Twitter: @Cabdalleaxmed
Facebook: facebook.com/abdalleahmed.mumin