Sawir: Gabre oo Faarax C/qaadir iyo Xidig u adeegsanaya Jawaari

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka socda ololaha Musharaxiinta dooneysa inay hogaamiso Baarlamaanka Somalia.

Musharaxiinta ugu miisaanka culus ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Faarax C/qaadir iyo C/rashiid Xiddig.

Sawir laga sameeyay Seddexda musharax ayaa waxaa lagu muujiyay in Xildhibaanada kala ah Faarax iyo Xiddig ay horboodeyso Dowlada Ethiopia, halka Jawaari uu yahay mid ku meyl adeegaya in labadaasi musharax uu meesha ka saaro maadaama ay yihiin adeegayaal.

Xiddig iyo Faarax ayaa labada dhinac ka taagan Jeneraal Gabre oo Ethiopia u qaabilsan kala geynta Umadda Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com