Muqdisho (Caasimada Online)-Arrintaani ayaa ka dhacday magaalada London ee dalka Ingiriiska kadib markii Hooyo iyo wiilkeeda oo Soomaali ah ay muddo 3 sano darbi jiif ku ahaayen wado ku taal London.
Hooyadaani iyo wiilkeeda ayaa waxaa laga soo saaray guri ay ka degnaayen magaalada London ee dalka Ingiriiska waxa ayna doorbideen inay jiiftaan waddo dhinaceeda.
Hooyadan iyo wiilkeeda ayaa gurigii ay degenaayeen laga soo saaray sanadkii 2014, kaddib markii ay ku guuldareysteen inay iska bixiyaan kiradii guriga.
Goobta ay degan yihiin hooyadan iyo wiilkeeda ayaa ah Marshamiyeedka Madbacad ku taal degmada Tooting ee Koofur galbeed magaalada London.
Hooyadan iyo wiilkeeda ayaa dhowr jeer la isku dayay in la dejiyo guri ayaa diiday kadib markii loo soo bandhigay guri ay ku noolaadaan oo bishii ku kacaya lacag gaareysa 1,500 oo pound.
Dadka isticmaala wadada ay ku dhex noolyihiin Hooyada iyo wiilkeeda ayaa aad ula yaaba nolosha foosha xun, xili dalkaasi ay ku noolyihiin Kumanaan Soomaali ah.