Sawirro: Khasaaro lixaad leh oo ka dhashay Qaraxii galabta ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu ka soo baxayaa Qarax Gaari oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo aad u xooganaa ayaa ka dhacay Iridka hore ee ajabka Shidaalka lagu iibiyo oo dhanka Qorax u dhaca ka xiga bacadlaha Xamar-weyne.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay dad shacab ah oo xilligaa qaarkood saarnaa gaadiidka dadweynaha BL-ka, halka qaarna ay ahaayen dad ku sugnaa meel aan sidaa uga sii fogeyn Maqaayadda lagu magacaabaa Isa-Saar iyo goobta lagu iibiyo qaadka.

Goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa waxaa dhoobnaa meydad iyo dhaawacyo farabadan oo u badnaa dad la socday gaari caasi oo BL ah, sida ka muuqata sawirada.

Dadka ku dhintay Qaraxa ayaa iminka gaaraya ilaa Toban ruux, halka dhaawacana uu ku dhow yahay Toban iyo Shan ruux oo shacab u badan.

Gaariga qarxay ayaa nuuciisa uu ahaa PREMIO, sida uu sheegay Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo qaraxa kadib goobta gaaray.