Sawirro: Musharax Jabriil oo la kulmay xildhibaanada Hir-Shabelle

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharaxa madaxweynaha Soomaaliya Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa xalay casho sharaf ugu sameeyey magaalada Muqdisho xildhibaanada labada aqal ee laga soo doortay deegaanada Hir-Shabelle.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda dalka Soomaaliya iyo doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee daba-yaaqada bishan la waqtiyeeyey, taasi oo ay isku hayaan musharaxiin koru d haafaya labaatan.

Jabriil oo ka mid ah musharaxiinta ugu cad-cad xilka madaxweynaha ayaa xildhibaanada ka codsaday inay codkooda siiyaan, ayaga oo eegaya danta dalka iyo mustaqbalka jiilka da’da yar.

Kulanka oo ahaa mid aan loo kala harin ayaa xildhibaanada waxay si niyad sami leh usoo dhoweeyeen musharaxnimada Jabriil, ayaga oo badankood ballan-qaaday inay codkooda siin doonaan marka la gaaro doorashada.

Hoos ka daawo sawirrada kulanka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com