Shuute oo dafiray shaki la galiyay xukunada dilka ah oo ay fuliso maxkamadiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida ee Somaliya ayaa difaacday xukunada dilka ah ee lagu rido ciidamada dilalka geysta.

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidanka qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in dilalka ay rido Maxkamada loo maro hanaan sharci ah, isla markaana ay diyaar u yihiin inay qanciyaan dadka qaba tuhunada ku aadan fulinta dilalka.

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad, ayaa sheegay inay jiraan eedeymo badan oo kaga imaanaya dhanka shacabka, waxa uuna ku celcelshay in xukunada dhaca ay yihiin kuwo loo maro waddo sharci ah.

Shuute wuxuu tilmaamay iney eedeysanayaashu xaq u leeyihiin iney qabsadaan Qareeno u dooday, cidii aan Qareen qabsan karin ayuu sheegay iney Dowladdu u qabato Qareen difaaca, sida uu hadalka u dhigay.

Shuute waxa uu sheegay in Maxkamadu ay leedahay qeybo kala duwan waxa uuna tilmaamay inay ka kooban tahay

1-Xeer ilaalinta oo eedeysanaha danbiga kusoo oogeysa.

2-Qareeno difaaca eedeysanaha.

3-Maxkamadda oo u dhaxaysa isla markaana dhageysiga dacwadda kadib go’aan gaarta.

Shuute, waxa uu tilmaamay inay jiraan caqabado kala duwan oo ay la kulmaan xiliyada ay baarayaan kiisaska, waxa uuna farta ku goday in waxa loo maraayo dadaalkaasi uu yahay sida lagu fulin lahaa xukun sharci ah.

Hadalka Shuute, ayaa imaanaya xili dood badan laga keenay labadii xukun ee ugu danbeeyey ee Maxkamadu ay ku riday Ninkii dilay Wasiir Cabbaas Siraaji iyo Rag Baydhabo la sheegay iney ku dileen Sheekh Maxamed Madeer.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com