Taariikhda Calanka Soomaaliyeed

0

Maanta oo kale, Sanadka walba waxaa dalka laga xusaa maalinta Calanka, waa maalin ka tarjumeysa Qarannimo, Midnimo iyo gumeysi naceyb, 63-sano ayaa ka soo wareegatay markii la sameeyay calanka Soomaaliyeed, calankeeda waxaa uu leeyahay Sooyaal qiimo badan oo dal iyo dibadba lagu faani karo.

Taariikhda Calanka Soomaaliya kama bilaabato xilligii ay Soomaaliya ku jirtay maxmiyadda lixdankii ka hor, ee waxaa jiray isku dayyo badan oo ay sameeyeen SYL xitaa ka hor inta aan Soomaaliya loo dhiibin Talyaaniga.

Sida uu ii sheegay halgamaaga Soomaaliyeed Cali Xasan Maslax Berdura oo ka tirsanaa 13-kii ee aasaastay SYL, habeenkii la dhisayey SYl waxaa lagu heshiiyay dastuur cusub iyo qodobo badan oo aan laga gudbi karin iyo calanka.

Calankii Habeenkaas, waxaa laga dhigay calan leh bil oo tilmaamaysa Islaamka, xidigta oo ah Soomlinimada iyo shanta farood oo midnimo iyo wada jir ah.

Lakin Markii Talyaaniga uu la wareegay maamulka Soomaaliya 1950-kii, gumeytaha Ingiriiska waxaa uu ku dhaqaaqay talaabooyin waalli ah, ingiriis-ka waxaa uu qaatay waqooyiga Soomaaliya, NFD waxaa uu siiiyay gumeystaha Kenya, Xeebta ama Djabuti waxaa xoogay Faransiiska, Ingiriiska sidoo kale Itoobiya waxaa uu siiyay Somali Galbeed, waxaa arin culus noqotay in dhulkaas iyo dadka degan la isku keeno.

SYL, markii ay aragtay in Somaliweyn faraha ka sii baxeyso, Waxaa ay ku fakirtay in la sameeyo Calan qiimo badan oo Soomaaliweyn ka tarjumaya, waliba ka hor inta aan xuriyadda la gaarin 1960-ka.

Farshaxano badan ayaa la sameeyay, dad badan ayaa dadaalay, tartan ayaa loo galay sidii Calan Soomaaliyeed loo sameyn lahaa, laakin ugu dambeyntii, Waxaa la qaatay farshaxankii iyo hindisihiisa uu lahaa Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa Leegada iyo midowga shaqaalaha ganacsatada.

Maxamad Cawaale Liibaan, Calanka waxaa uu ku sameeyay wax ka yar 24 saac, laakin waxaa uu noqday calan umadda Soomaaliyeed ka tarjuma, isagoo soo bandgigay.

Xiddigta cad ee shanta gees leh waxaa ay ka tarjumeysaa Shanta qeybood ee dhulka Soomaalidu degto ka kooban yahay.

Midabka buluugga khafiifka ah waxaa uu ka tarjumayaa Cirka iyo badda dhulka Somaalida oo mar walba midabkoodu buluug yahay.

Calankan Buluugga ah ee xidigta ka tarjumeysa Soomaliweyn dhexda uga hardhan tahay waxaa la sameeyay 12 October, 1954.

Maalintaas wixii ka dambeeyay Soomaalida waxaa ka tarjumayey calankaas, oo ah astaan ka hadleysa Somaliweyn iyo Midnimo qaran.

Dhinaca kale, Heesta Calanka, waxaa ay leedahay taariikh gaar ah, heestan, waxaa miraheeda lahaa (AUN) Abwaan Xuseen Aw Faarax Dubbad, Waxaa laxanka lahaa (AUN) C/laahi Maxamed Maxamuud Xirsi (Qarshe).

Abwaanka Alifay heesta ayaa ka sheekeeyay in heestaas ay ku jirtay riwaayaddii ay isku barteen Xuseen Aw Faarax iyo Abwaan Qarhse oo Waqooyi ka yimd iyo Fanaaniintii reer Muqdishu.

Heesta waxaa ay ku jirtay riwaayad lagu eegayey fanka labada abwaan, Xuseen Aw Faarax waxaa uu sheegay in riwaayadda marka ay dhaxda mareyso oo ay qaadeen heesha calanka in isaga iyo qarhse la siiyay Diploma lagu abaalmarinayo labaadsi abwaan, Diploomadaasi lama bixin ka hor xiligaas ama kadiba, Waxaa ay sidoo kale isla riwaayaddaas ka dhigeen Djabuti iyo Cadan.

Xilliga riwaayaddaas Muqdishu lagu dhigay waxaa ay aheyd 1956-dii, labo sano ayuu jiray calanka Soomaaliya, hees sidan u qiimo badan cid u qaatay ma jirin xiligaas ka hor.

Miraha Heesta Waxaa ka mid ahaa:

Qolobaa calankeedu,
waa ceynoo,
Innaga keenu waa,
Cirkoo kale e,
Oon caadna lahayn,
Ee caashaqaye.
Xidigyahay cadi,
Waad noo ciidamisee,
Carradaa kaligaa
adow curadee
cadceeda sideedaa
u caan noqo ee

Cishadad dhalataad calooshayadii
sidii culaygii cidaad marisee
Allow ha ku celin cawoy dhaha.

Ugu dambeyntii, June 5, 2001 ayuu Maxamed Cawaale Liiban oo ahaa ninkii sameeyeey calanka Soomaaliya ku geeriyoodey magaalada Toronto ee dalka Canada.

Soomaalida Maanta: Waxaan hubaa in Soomaali badan dhiiga iyo damiirkoodu u dhaqaaqay maqalka heesta, Lakin marka aan runta isu sheegno, heesta calanka maanta ma laha dhadhankii hore, dalka waxaa loo kala qeybiyay gobolo, qabiilo, dowlad goboleedyo, ma jirto labo isku fikrad ah, ma jirto labo ka sheekeysta Somaliweyn, Midnimo iyo Mustaqbalka dalka, dadka iyo diinta!

Sida uu ii sheegay Jen. Jaamac Maxmed Qaalib, dadkii hore waxaa ay ku faani jireen Calanka, Ciidanka qaranka iyo Soomaalinimada halka maanta lagu faano Maamulka goboleedyada, taageerada iyo lacagaha loo uruuriyo maamul goboleedka ayaa ka xamaadsad badan taageerada Qaranka.

Maanta Soomaaliya waxaa ay leedahay boqolaal calan, gobol walba waxaa uu leeyahay calan u gaar ah iyo heesta calankaas, gobol walba waxaa uu leeyahay Dastuur iyo calan ka duwan midka qaranka, Madaxweynayaal tiro badan, waxaa meesha ka baxay micnihii weynaa heesha calanka iyo qaranimada Soomaaliyeed.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye 

SHARE