Uganda oo weli u xiiso qabta in ay iska sii joogto Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) Iyadoo xilliga AMISOM uu ku egyahay bisha March ee sannadkan, ayaa dowladda Uganda waxa ay ku baaqday in la kordhiyo muddada ay sii joogayaan AMISOM Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada Lugta dalka Uganda General Katumba Wamala, oo wareysi siiyay wargeyska New Vision ee ka soo baxa Kampala ayaa sheegay in Soomaaliya oo dagaalo ku jirtay 21-sano loo baahan xilliga siddii nabad iyo ammaan looga dhigi lahaa.

Howgalka AMISOM ayaa hadda waxa u haray xilliga loogu talagalay muddo labo bi loo kaliye.

Wuxu yiri “ Soomaaliya waa sida ilmo yer, weli naas ayaa la nuujinayaa, waxa ay u baahan tahay kaalmo caalamka intiisa kale ka yimaada,” ayuu yiri Katumba oo hadda ku sugan Soomaaliya.

Uganda ayaa door weyn ku leh arrimaha nabadda Soomaaliya, waxana ay hoggaamisaa howgalka millatari iyo midka boolis ee Soomaaliya.

AMISOM ayaa taageerada ugu badan ka hesha QM, Midowga Yurub iyo Midowga Africa.

Mr. Katumba ayaa yiri “Xaallada bini’aadinimo ee Soomaaliya dib ayey u soo laabaneysaa, waxa waddanka Soomaaliya oo dhan yimaada 40-diyaarad maalintii kuwaasoo dib ugu soo laabanaya dalka, iyo 15-markab oo ku soo xirta maalinta kasta dekedda wayn ee Muqdisho”.

Bishii November ee kal hore, ayaa afar bil oo kaliye loogu daray howgalka AMISOM ee Soomaaliya, waxana waddamada dariska ay ku baaqeen in waqti dheeri ah loogu daro muddada.

Uganda waa dalka ciidanka ugu badan ku deeqay howgalka AMISOM oo hadda waddamada ay ka kooban yihiin ay ka mid yihiin Kenya, Djibouti iyo Burundi.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Kampala