Wadamada Qadar go’doomiyay oo soo saaray Liis Xasaasi ah oo ay kusoo bandhigeyn shakhsiyaad argagixiso ah

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waddamada Afarta ah ee go’doomiyay Dowladda Qadar ayaa sheegay in ay liiskii hore ee argagixisada ee ay hayeen ku dareen Labo Hay’adood oo Islaami ah iyo 11 qof oo ay sheegeen in ay argagixisada taageeraan.

Liiskan ayaa lagu daray Hay’adaha kala ah Ururka Aqoonyahannada Islaamka ee uu hoggaamiyo Sheekh Yuusuf Al-Qardaawi oo ay isaga laftiisa ku eedeeyeen taageerada Aragixisanimo iyo Golaha Dacwada iyo gargaarka Islaamka .

11ka qof ee lagu daray liiska cusub waxaa ka mid ah Agaasimaha Bisha Cas ee Dalka Qadar Khaalid Naziib Diyaab iyo siihayaha Guddoomiyaha Ururka Ikhwaanul Muslimiinta oo lagu magacaabo Maxamuud Izaad.

Cabdalla Bin Naasir Althaani oo ah Ra’isalwasaaraah Dalka Qadar ayaa sheegay in tallaabooyinka kala duwan ee ay qaadayaan Waddamada Carabta ujeedada laga leeyahay kaliya ay tahay faragelin lagu sameeyo madaxbanaanida dalkiisa,waxaana uu meesha ka saaray eedaha Waddamada Carabta ah.

Ra’isalwasaare Cabdalla waxaa uu sheegay in dalkiisa uu markasta diyaar u yahay in uu xaadiro miiska wadahadalka,haddii ay diidaan waddamada kalena aysan waxbadan kala maqneyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com